“Madaxweyne Biixi waan ku Hanbalyaynaa Hirgelinta heshiiskii aanu Addis Ababa ku Gaadhnay.” Siyaasi Kayse

0
471

Qore: Khadar Cabdi Muuse

Widh-widh (Dawan): Keyse Cabdi Yuusuf, oo ka mid ahaa siyaasiyiintii khatumo ayaa madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi  ku bogaadiyey hirgelinta qodobo ka mid ah heshiiskii ay magaaladda Addis Ababa ku wada gaadheen Somaliland.

Qodobadaasi oo uu sheegay inuu ka mid ahaa sidii maamulka dawladda Somaliland loo gaadhsiin lahaa deegaamadda gobolka Buuhoodle, isla markaana maamul daadejin loogu samayn lahaa.

Waxa kaloo uu tilmaamay in qodobadda heshiiskaa ka mid ahaa ee ay xukuumadda Somaliland fulisay inuu ka mid ahaa sidii bulshadda deegaanka Buuhoodle loogu ogolaan lahaa in ay iyagu soo doortaan goleyaashoodda deegaanka.

Waxaanu yidhi, “Annagu Khaatumo ahaan, heshiiskii aanu ku galnay Addis Ababa, ayay ka mid ahayd in dadka shacabka ah loo ogolaado in ay iyagu madaxdoodda doortaan, oo aan mar ba qof dusha lagaga keenin.

Iyadoo hadda dawladdiiba ku dhaqmaysa, oo gobol kastoo Somaliland ah la leeyahay maamul daadejin ha loo sameeyo, kuwa afarta bilood joogay ee dubraba, waan bur-burinayaa leh, ee Lugaha jiidayaa, wax la yeeli karo maaha”.

Siyaasi Kayse, ayaa madaxweyne Biixi, uga mahad celiyay hirgelinta waxyaabihii ay heshiiska ku wada gaadheen, isagoona madaxweynaha Somaliland u jeediyay hadallo gar-naqsi ah u diray madaxweynaha Somaliland.

Hadaladaasi oo uu ku eedeeynayay wasiirro iyo siyaasiyiin ay deegaanka Buuhoodle ka soo wada jeedaan, kuwasaasoo uu ku dhaliilay in aanay daacad ka ahayn in deegaankaasi uu horumar ka hirgeliso xukuumadda Somaliland.

“Madaxweyne Muuse Biixi, madaxweyne waan ku hanbalyaynaynaa, waanan ku salamaynaa. Halkan aan kaala hadlaynaa waa Widh-widh, siyaasadda dawladda siday ula shaqaynayso waad aragtaa. Nabadgelyadii bay adkaysteen, ciidamadii bay habaysteen, doorashadii iyo goleyaashii deegaanka ayay samaysteen.

Geesta kale siyaasi Kayse, waxa uu sheegay in ay ka siyaasiniin ahaan, iyo ka bulsho ahaanba garab taagan yihiin sidii golaha deegaanka Buuhoodle shaqadiisa u gudan lahaa, isla markaana horumarka uga shaqayn lahaa.

Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Golaha deegaankana waanu garrab taagan nahay, idinku na sidaa aad u garrab taagan tihiin madaxweyne ahaan, iyo wasiirradaasi kaleba, sidaasi ayaanu idinkaga mahad celinaynaa, cid noo dhaan taana ma jirto”.

Leave a Reply