Maxaad ka taqaanaa Maalinta Caalamiga ah ee Ragga?

0
375

Maalinta Caalamiga ah ee Ragga waa fasax caalami ah oo loo dabaaldego sannad kasta 19-ka Noofambar si loo aqoonsado looguna dabaaldego guulaha dhaqanka, siyaasadda, dhaqaalaha ee ragga.

Ujeedooyinka loo dabbaaldegayo Maalinta Caalamiga ah ee Ragga waxa lagu dejiyay ‘Dhammaan Lixda Tiir ee Maalinta Caalamiga ah ee Ragga’.

Waa munaasabad lagu xusayo waxqabadka iyo waxtarka wiilalasha iyo aabayaasha, gaar ahaan waxtarka ay u leeyihiin qaranka, midnimada, bulshada, qoyska iyo daryeelka ubadka.

Waxaa maalintan kor loo qaadaa wacyiga wanaaga ragga. Mid ka mid ah lixda tiir ee maalinta caalamiga ah ee ragga ayaa ah in la wanaajiyo xiriirka jinsiga ee ragga iyo dumarka.

Hase yeeshee Soomaalida maalintan ma dabbaal-degaan inkastoo sida la shageey in ka badan 60 dal ay u xusaan.

‘Walbahaarka ragga hayo ayaa sababa dhalmo la’aanta’

‘Walbahaarka ragga hayo ayaa sababa dhalmo la’aanta’

Ujeedada balaaran ee xafladani waa in kor loo qaado qiyamka bini’aadantinimo ee aasaasiga ah, iyo sidoo kale wacyiga ku wajahan arimaha ragga.

Baaqyada maalinta caalamiga ah ee ragga ayaa la xusayay ilaa 1960-meeyadii, markaas oo rag badan laga soo sheegay inay “si gaar ah u sameeyaan 23-ka Febraayo Maalinta Caalamiga ah ee Ragga, oo u dhiganta 8-da Maarso, oo ah Maalinta Haweenka Adduunka”

Midowgii Soofiyeeti maanta oo kale waxay u ahayd Maalinta Ciidanka Cas iyo Ciidanka Badda tan iyo 1922, taas oo 2002 loo beddelay Difaaca Maalinta Aabbaha.

Horraantii 1990-aadkii, Maraykanka, Australia iyo Malta waxay qabteen xaflado yaryar bishii Febraayo oo uu Thomas Oaster ka agaasimay Xarunta Missouri ee Daraasaadka Ragga ee Jaamacadda Missouri-Kansas City.

In kasta oo maalinta caalamiga ah ee ragga iyo dumarka loo tixgaliyo inay tahay dhacdooyinka ‘jinsiga diiradda saaraya’, haddana waxay muujinayaan arrimaha loo arko inay gaar u yihiin ragga ama dumarka.

Dhibaaooyinka ragga ay la kulmaan marka loo barbardhigo dumarka sida laga soo xigtay Change.org

Ku dhawaad ​​afar meelood saddex meel dadka hoy l’aanta ah waa rag.

40% kiisaska xadgudubka guriga waxa ay ku dhacaan ragga, taasi waa ku dhawaad ​​1 milyan oo qof ay saameyso. Intaa waxaa dheer, xitaa marka ninku waco booliska oo uu u sheego in lagu xadgudbay, waxay aad ugu dhowdahay in isagii la xiro.

Ragga gacantooda isku dila ayaa u badan kuwaas oo da’doodu ka yar tahay 45 sano sidoo kale ku dhawaad ​​80% dadka isdila waa rag halka dumarka ay yihiin boqolkiiba 20.

Ragga ayaa laba jibaar ugu dhow inay xabsiga ku galaan dambi la mid ah kan dumarka, waxayna 165% ka xukun dheer yihiin dumarka.

Waxa kale oo lagu qasbi karaa inay bixiyaan masruufka ilmaha ka dib marka ay haweeney ku kufsato oo ay uur yeelato.

Raggu waxay bixiyaan in ka badan 70% dakhliga cashuurta laakiin inta badan kharashka dadwaynaha waxa lagu bixiyaa adeegyada haweenka.

Inkasta oo ay jiraan dhammaan culaysyada iyo halisahaasi ay maanta wajahayaan haddana adeegyada taageerada ragga ayaa ah kuwo aad u yar amaba aan jirin marka la barbar dhigo adeegyada haweenka.

Waxaa jira waaxyo arrimaha haweenka u qaabilsan baarlamaanka iyo UN-ka, laakiin midna kuma laha ragga. Ma jiro xisbi siyaasi ah oo si cad uga hadlaya arrimaha ragga.

 

Leave a Reply