Wax Ku Soo Kordhi Caalamka!

0
518

La yaabka wakhtiga ayay ka mid tahay inuu soo gaabanayo marka dayn muddaysan laga doonayo,  soona degdegyo marka ay jirto maalin aad cabsi ka qabto, isagoo haddana wakhtigu kugu dheeraanaya marka aad murugo iyo walaac ku jirto isla markaana uu habeenku kugu dheeraanayo oo fidayo,

Haddaba ku qor derbiyada wakhtiga adiga oo isticmaalaya tamaashiir ama qalin arrin aan masaxmin oo taarikhada wax ka bedesha laguna xusuusto ka dib dhimashada, noloshuna waa fariin cad xikmaduna waa  “ Ogow qofka wanaagasani waa kan ku soo kordhiyay dunida wax ka badan waxa uu ka qaatay” . Hana noqon mid isagoo caalamku dayn ku leeyahay ka tegay, oo buugaagtii magaciisa lagu wada bedelay “ Taasi waa dayn xumaatay”. Wax tar dadka iyo dalka si boqolaal qof ku xusuustaan inaad dunida dhaxal kaga tegay, oo aanad ahayn daynsane.

Leave a Reply