Xoog Dhaqaalaha Iyo Hogaaminta Dunida!

0
719

Waxa ay  dhinac fadhiday Dabka ay ka dhex shiday buulka gaboobay ee ay cuntada ku diyaarinaysay, waxa ay dhabta ku haysay Ilamaha yar ee aan weli barbaarin iyadoo mid kalen dhinaceeda fadhiyay. Waxa ku dhex wareegaysay Digaagad ay leedahay oo aan cabsi qabin.  Qoyska  buulkan deggani suurtagal uma ah inay raashin ka dhigtaan digaagadan si kasta oo ay baahi u hayso, maxaa yeelay beedka ay dhasho ayaa ah Isha keliya ee dhaqaale ee ay haystaan, noloshoodana ku deberaan.

Waa habeen mugdi ah oo cabsi badan oo cadowga laga baqanayo, iftiinka keliya ee u baxayaan waa dabka.

Iyadoo ka fikiraysay nolosha adag ee ay ku jiraan qoysku , ayaa Aabaheed oo ka yimi beerta uu albaabka buulka soo huluushay. Waxa uu siday guntimo yar oo bariis ah oo habeenkaa ahaa rashinka keliya ee calooshooda galay.

Odayga aabaheed waxa uu ahaa nin jimidh yar oo caato ah, da’duna ay u dheer tahay gaajo iyo macluusha ka muuqata, huga uu xidhan yahay ma haysto hu kale oo bedelkiisa ah. Indhuhu aad ayay casaadeen soo jeedka badan awgeed, muuqaalkooduna sidii laba midh oo Tamaandho ah.

Timhiisa iyo gadhkiisuna cirrada aya booska dhigtay, oo tin madow laguma oga.

Aabaheed waa ninka keliya ee u hadhay qoyska, ka dib markii Odaygeeda ay dileen Gumaystaha Japan oo xasuuqay shacabka Shiinaha, mana ay helin wax u bedela. Qisadan oo dhab waa sida shacabka Shiinuhu u Nolaa qarnigii tegay.  Muuqaalka Bulshada Shiinaha sanadkii 1920kii. Dalka China maanta waa dalka labaad ee dunida ugu dhaqaalaha sareeya, waa dalka hogaamiya isbedelka dhaqaalaha dunida ee ay cabsida weyn ka qabaan dalalka galbeeda dhamaantood.

 

Leave a Reply