Isku Dayga Iyo Fashilku Waa Horumar!

0
779

Maalqabeen ayaa eryadan yidhi : “ Tirada Shaqaalaha shirkadda aan leeyahay waa 130 shaqaale ah, raasamaalka shirkaddu ku shaqaysaana waxa ay gaadhaysaa malyuun doller.  Shirkaddan waxaan hawlgeliyay  oo ay suuqa soo gashay  10 sanadood ka hor.

Fikirka abuurista shirkadda waxa igu dhashay maalintii la iga eryay shaqadii aan u hayay shirkadda IBM,. Subaxaasi aad ayaan u werweray ilaa heer dareemi kari waayay in aan ahay qof nool oo fikir leh, oo wax kasta kaga gudbi kara caqligiisa.

Haddii aan maalintaasi la iga eryin shirkadda waxa laga yabaa in aan fadhiyi lahaa miisaaska shirkadda IBM midkood ilaa maanta oo ay 10 sano ka soo wareegtay, anigoo weli ah sabool mushahar ku noola.

Inaad arrin ku dhaqaaqdo oo aad ku fashilanto ayaa toban jeer ka wanaagsan in aanad waxba isku deyin oo aad iska fadhido.

Leave a Reply