Agaasimaha Guud Wasaaradda Ciyaaraha oo si Rasmi ah u furay Garoonka Hiraal Play Ground

0
491

Hargaysa (Dawan): Agaasimaha guud ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland, mudane Cabdirashiid Caydiid Yaasiin, ayaa si rasmiya xadhiga uga jaray garoonka Hiral Play  Ground.

Garoonkan oo ku yaala gudaha xarunta hay’adda  SOHASCO ayaa dhawaan dib u-bahayn iyo balaadhin lagu sameeyey,  barnaamijkan dib u-dhiska ayaa qayb ka ahaa mashruuca ILED ee Midowga Yurub (EU) maalgaliyo, waxaana hirgalisay hay’adda UNFPA, iyaga oo kaashanaya hay’adda Shaqo-doon Org.

Ugu horayn waxaa munaasibada ka hadlay agaasimaha fulinta hay’adda Waddaniga ah ee SOHASCO, mudane Cabdirisaaq Xuseen Jaamac, isaga oo erayo soo dhaweyn iyo mahad-celin isugu jira uga jeediyey ka soo qayb-galayaasha munaasibada furitaanka garoonka, waxaa uu ka sheekeeyey marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray dhismaha xarunta Hiraal Youth Center.

Dhanka kale agaasime Cabdirisaaq waxa uu u mahad celiyay cidkasta oo ka qayb qaadatay dib u habaynta iyo dayactirka lagu sameeyay garoonkani.

Cabdirisaaq isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi. “Ugu horay ALLE  ayey mahad oo dhami u sugnaatay inoo suurogaliyey in xaruntani ay inoo dhisanto, sidoo kale waxaan u mahadnaqaynaa Midowga Yurub (EU) oo bixiyey dhaqaalaha mashruucani ku baxayey, hay’adda UNFPA oo fulinaysay mashruucan iyaga oo ay iskaashanayeen hay’adda Shaqodoon iyo wasaaradda dhallinyarada oo aanay la’aanteed mashruucani hirgaleen”.

Waxaa isna madashaasi ka hadlay Axmed Xasan Carab (Akhyaar) oo ku hadlayey magaca dhallinyar xaafada uu ka dhisan yahay garoonku, waxaanu soo dhaweeyey dhismaha garoonkan iyo faa’iidada uu leenahay dhallinyarta xaafada ku nool, isaga oo sheegay in baahiweyn loo qabay dhismaha garoonkan, waxaanu u mahadceliyey cidkasta oo qayb ka ahayd dhismaha garoonka Hiraal Play Ground.

Tababaraha kooxda kubada Cagta ee Goodir mudane Jamaal Cabdi (Jamal Jante) oo hadal kooban halkaasi ka jeediyey ayaa wuxuu soo dhaweeyey dhismaha garoonka, isaga oo xusay inay xaafadani nasiib u yeelatay in laga dhiso garoonkii u horeeyey ee doog ah oo loogu talo-galay in dhallinyarta kubada ciyaartaa ay si lacag la’aan ugu ciyaaraan, waxaanu kula dar-daarmay inay ilaashadaan garoonka fursadaasi ay heleena aanay iska dayicin.

Gudoomiyaha wargaysyadda Dawan Mudane Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) ayaa ka sheekeeyey marxaladihii kala kuwanaa ee uu soo maray dhismaha garoonkani, waxaanu yidhi.“Run ahaantii garoonka tacab badan ayaa galay, waxaana loogu talo-galay in maalintii kooxaha kubada ciyaar ee xafada ka dhisani ku ciyaaridoonaan habeenkiina la kirayndoono, si dhaqaalaha halkaasi ka soo xarooda loogu bixiyo baahiyaha garoonka sida laydhka, biyaha iyo mushaharka shaqaalaha wixii ka soo hadhana garoonka dhigaal ahaan loogu dhigidoono, waxaan u mahad-celinayaa cid is-garab taagtay, taageerona naga siisay hirgalinta howshan oo ay ugu horayso Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL, Midowga Yurub (EU), UNFPA, SHAQODOON iyo hay’adda SOHASCO oo xarunta maamusha.”

 

Ugu dambayntii waxaa munasibada furitaanka garoonka Hiraal Play Ground soo xidhay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdirashiid Caydiid Yaasiin, waxaanu halkaasi ka jeediyey khudbad balaadhan oo dhinacyo badan taabanaysa, kaasi oo ka sheekeeyey marxaladihii kala duwaanaa ee uu soo maray garoonkani, sida laga doonayey inay uga faa’iidaystaan kooxaha dhallinyarta ah ee xaadan ka dhisani iyo doorkii ay ka wasaarad ahaan ku lahaayeen hirgalinta mashruucani, waxaanu u mahad celiyey hay’addaha kala duwan ee iska-kaashaday dhismaha garoonkay oo ay ugu horeyso Midowga Yurub (EU) oo bixisay dhaqalaaha mashruucan lagu fuliyey.

Gaba-gabadii wuxuu kula dardaarmay masuuliyiinta hay’adda SOHASCO iyo dadka xaafada ku dhaqan ba inay ilaashadaan garoonka nidaamka loo dajiyey aanay cidna ka hor iman, isaga oo si cad u bayaamiyey in cida ka wasaarad ahaan uga masuulka ah xarunta HIRAAL Youth Center oo uu garaaonkanina ka tirsan yahay ay tahay hay’adda SOHASCO kalana xisaabtamayaa iyada.

Gubaanadkii munaasibada Agaasimah Guud wuxuu si rasmi ah xadhiga uga jaray garoonka, isaga oo halkaasi ku laaday kubadii u horaysay, waxaana halkaasi ka qabsoontay ciyaartii u horaysay ee garoonka lagu furay oo ay halkaasi ku wada ciyaareen ciyaartoyga ugu caansan magaalada Hargaysa.

 

Leave a Reply