Imaamka AL Azhar: Waxaan la kulmay hoggaamiye reer galbeed oo si caddaalad ah Islaamka uga hadlaya

0
451

Imaamka weyn ee Al-Azhar Dr. Axmed Al-Tayeb ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay la kulanka Amiir Charles ee dalka Britain, sida ay tebisay warbaahinta Arab News.

“Waan ku faraxsanahay inaan Amiir Charles kula kulmo Masjidka Al-Azhar, waxaanan arkay hoggaamiye caqli badan oo mas’uul ah, iyo cod wanaagsan oo reer galbeed ah oo si caddaalad ah uga hadlaya Islaamka iyo Muslimiinta,” ayuu Al-Tayeb ku soo qoray bartiisa Twitter-ka.

“Waxaan ka wada hadalnay muhiimadda ay leedahay horumarinta wada-xaajoodka dhanka diimaha, xiisadda isbeddelka cimilada, iyo baahida loo qabo in la helo xalal qumman ah si loo yareeyo khataraha.”

Amiir Charles iyo xaaskiisa Camilla, duchess of Cornwall, ayaa soo booqday dhismaha masjidka iyada oo uu wehelinayey ImaamAl-Tayeb.

 

Amiir Charles ayaa kula hadlay barafasoorrada, macalimiinta iyo ardayda fikradahooda ku saabsan wada noolaanshaha iyo dulqaadka diimaha dhexdooda.

Isaga iyo Camilla ayaa Khamiistii booqasho labo maalmood ah ku tegay Qaahira, waxaana qaabilay madaxweynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi iyo xaaskiisa. Amiir Charles wuxuu kale oo uu la kulmay Coptic Orthodox Pope Tawadros II.

XIGASHADA SAWIRKA,AFP

Gareth Bailey, Safiirka Britain ee Qaahira, ayaa bartiisa Twitterka ku soo qoray: “Laga soo bilaabo quruxda Ahraamta, iyo yaababka maktabadda cusub ee Alexandria, waxaan u mahadcelinayaa madaxda sare ee Boqortooyada inay halkan yimaadaan, waxaan u mahadcelinayaa martigeliyeyaasha Masar sida wanaagsan ee ay noo soo dhaweeyeen.”

Waa booqashadii labaad ee rasmi ah ee Amiir Charles iyo xaaskiisa ay ku tagaan Masar. Markii ugu horreysay waxay ahayd 2006, iyada oo qayb ka ah socdaal caalami ah oo ay ku jiraan dalka Sacuudi Carabiya, ujeeddaduna tahay horumarinta isfahamka diimaha iyo dulqaadka, taageeridda hindisayaasha deegaanka, iyo dhiirigelinta fursadaha shaqo iyo tababaro waara oo dhalinyarada ah.

Waxa uu sidoo kale booqday Masar bishii Ogosto 1981-kii iyada oo ay wehelinaysay amiirad Diana-dii geeriyootay, iyaga oo xilligaa uu tegay ay ku jiren bishoodii malabka, waxaana qaabilay madaxweynihii geeriyooday ee Anwar Sadaat iyo xaaskiisa.

Amiirka Wales iyo Duchess ee Cornwall ayaa safar afar maalmood ahaa ku marayey Masar iyo Urdun,

 

Leave a Reply