Farsamada Dareenka Xanuunka Dhalmada

0
339

Isbitaal ku yaalla bariga Shiinaha ayaa sameeyay horumar caafimaad , kaasi oo aabayaasha u soo bandhigay qalab caafimaad oo lagu xidhayo. Qalabkan aya aabaha dareensiinaya xanuunka hooyada ee foosha.

Maamulka Isbitaalka ayaa sheegay in arintan ay uga jeedaan in waalidiinta aabayaasha ah ay  dareemaan xanuunka foosha si ay ugu naxariistaan xaaskooda iyo hooyada dhashay.  Qalabka oo laydh ku shaqaynaya ayaa lagu xidhayaa dareemaayasha caloosha. Barnaamijkan caafimaad ayaa muujiyay in xanuunka qalabkani keenayo uu la mid yahay kan foosha sida ay cadeeyeen dumarkii lagu tijaabayay kuwaasi oo sheegay in ay u qaateen in ay foolanayso.

Nin lagu xidhay qalabkan ayaa sheegay inuu xanuunka fooshu yahay mid aad u xanuun kulul, oo aad moodaysay inay keliyuhu ka soo dhacayaan. Qalabkan Waxa hagaysa gabadh kalkaaliso ah oo ka joojinaysa qofka lagu xidho dhawr daqiiqo ka dib oo ah marka la dareensiiyo xanuunka dhalmada hooyada.  Waxaana dhakhaatiirtu cadeeyeen in xanuunka foosha hooyadu ay la mid tahay iyadoo 37 lafaood oo jidhkeeda ah la jebinayo.(Reuters)

Leave a Reply