Ururka SOLA oo tababar uga furay Burco Qareennada Togdheer iyo Daad-madheedh

0
555

Burco(Dawan)-Ururka Qareenadda Somaliland ayaa tabobar u furay qareenada ka hawlgala goboladda Togdheer iyo Daad-madheedh Salaasada maanta, kaasoo socon doona muddo saddex maalmooda, looguna talo galay in kor loogu qaado aqoonta iyo wacyiga shaqo ee Looyarrada ka hawlgala goobaha garsoorka ee labadaas gobol.

Tababarkan oo uu qabanqaabiyey Ururka SOLA oo taageero ka helay Hay’adda UNDP, isla markaana ay ka soo qaybgaleyaasha u fureen Guddoomiye ku-xigeenka Ururka Qareennada SOLA iyo guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka gobolka Togdheer, ayaa ka dambeeyey qiimeyn ururku ku sameeyey qareennada ka hawlgala Maxkamaddaha gobolada dalka oo dhan.

Guddoomiye -xigeenka Ururka Qareennada Somliland Mukhtaar Daahir Jibriil oo furitaankii tababarkan hadal ka jeediyey, ayaa sharaxaad ka bixiyey aqoon-korodhsigan iyo ahmiyadda uu leeyahay “Tababarkani wuxuu ka dhashay qiimeyntii bil ka hor la idinku sameeyey oo dhamaan gobolada oo dhan laga sameeyey”ayuu yidhi
Guddoomiye Jibriil, ayaa sidoo kale, masuuliyiinta Maxkamadda rafcaanka ka dalbaday in Kiisaska tabarucaadka sharci (Legal Aid) oo ururku ugu talogalay dadka danyarta ah in difaac sharci oo bilaash ah lagu siiyo laga khafiifiyo cashuurta ku waajibtay “Guddoomiye iyadoo qareenku difaacayo Kiis bilaash ah haddana cashuur ma bixin karo, markaa waxaanu ugu talogalnay nidaam qoraal ah oo aan kuu soo gudbin doono”

Isuduwaha wasaaradda Cadaaladda gobolka Togdheer Cabdilaahi Jaamac Yuusuf, taliyaha hawlgelinta ciidamadda Booliska gobolka iyo guddoomiyaha ururka qareenadda ee gobolkaasi ayaa ka waramay muhiimadda uu tabobarkani u leeyahay bahada qareenadda.

Guddoomiyaha Maxakamadda Racfaanka gobolka Togdheer Barkhad Isxaaq Barre iyo guddoomiyaha Ururka SOLA ayaa bogaadiyey hawsha baaxadda leh ee bulshada iyo qarankaba ay u hayaan qareenadu.
“Kufsiga, Mukhaadaraadka iyo wixii la hal maala waa inay qareennadu ku hayaan culays dheeraad ah oo Kiiskaa wakhtigii loogu talogalay inuu ku dhaco ay ilaaliyaan balantiisa”ayuu yidhi Taliyaha hawlgelinta qaybta booliska ee Gobolka Togdheer oo ka hadlay furitaankii kulankaasi.

Masuuliyiinta Ururka Qareennada ee SOLA, ayaa bilihii u dambeeyey kormeer iyo qiimeyn ku samaynayey xubnaha ka hawlgala Maxakamaddaha Gobolada dalka, si ay xogogaal ugu noqdaan aqoontooda dhinaca xirfada iyo caqabadaha ku gedaaman.

Leave a Reply