Sirdoonkii Qarsoona!

0
928

Sidney Reilly waxa uu ku dhashay wadanka Russia 1873, gobolka hadda loo yaqaano Ukraine, waxa uu u shaqayn jiray sirdoonka Ingiriiska.  Waxaana magaciisa saxda aha Sigmund Georgievich Rosenblum. Laakiin wuxu caan ku ahaa magaca “Ace of Spies” Reilly waxa uu aaminsanaa inuu u basaasi karo afarta quwadood ee dunida maalmahaasi ugu xoogga weyna arinkaasi waa uu fuliyay ka dib markii uu afarta dawladoodba siro muhiim ah u keenay.

Waxaana lagu bixiyay naanaysta “Gentleman Spy”, waxaana uu guursday 11 dumar ah.

Sirdoonka Ingiriiska waxa ka shaqaalaysiiyay saaxiibkii oo ahaa Diblamaasi British ah iyo suxufi oo lagu magacaabi jirey Sir.Robert Bruce Lockart.

Sidney Waxa uu qaatay 11 Passport oo kala duwan. Midawgii sofiyeet ama Ruushka ayaa laga erayay iyadoo lagu eedeyay inuu Ingiriiska basaas u yahay, kana mid yahay sirdoonk M16. Waxa uu aad u baratay luqado kala duwan isagoo ku hadli jiray 7 Luqadood. Laakiin haddana asal ahaan dalka uu ka soo jeedo, lamana garanayo. Xitaa isaga laftiisa ayaanba taa aqoon, ilaa uu gaadhay 19 sano wakhtigaasi oo uu ogaaday inuu dhashay isagoon Aabo sharci ahi dhalin.  Si lama filaan aha ayaa loo waayay, ilaa maanta lama garanayo meel uu ku danbeeyay.

Leave a Reply