Xukuumadda oo Gubtay Raashin Dhacay oo Berbera laga Helay

0
436

Qore. Saleeban Kalshaale 

Berbera (Dawan) Hay’adda ilaalinta tayadda Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa  ku gubtay duleedka Berbera baddeecad wakhtigeeda isticmaalku dhacay oo ka kooban cuntada la cuno iyo Iidaankeeda maalintii shalay, taasoo laga soo qabtay gudaha magaaladaasi.

Baddeecadan la gubay oo ka badan toban tan oo Saliid iyo boorosh ah, ayaa burburiyey amma lagu gubay goob ay dawladda hoose ee Magaaladaasi u diyaarisay, waxaana goob-joog ka ahaa xubno kamida masuuliyiinta sar sare ee Hay’adda dhowrida tayada, saraakiil ka socday Dawladda hoose ee Berbera iyo madaxda xafiiska gobolka Saaxil ee Hay’adda.

Masuuliyiintan oo warbaahinta kula hadlay godka lagu gubay raashinka dhacay, ayaa sheegay inay mar walba kormeer iyo daba-gal ku hayaan xaaladdaha maceeshada daruuriga si looga hortago in bulshada laga iibiyo ama la si kale loo siiyo cunto dhacday iyo mid tayadeedu xuntahay.

waxaanu halkan ku gubaynaa badeecado kala ah Saliida cuntada oo cadadkeedu dhan yahay todoba tan iyo badh iyo boorash cadadkiisu dhan yahay saddex tan iyo badh, tani waa shaqo maalinle ah oo ay hay’addu qabato.

baddeecadu marka ay dekeddaha ka soo soo degto waanu baadhnaa ilaa marxalada lagu quudanayana waanu la soconaa marba xaalada ay ku jirto oo waxaanu kaga daba tagnaa meelaha lagu kaydiyo”sidaasi waxa sheegay Isuduwaha hay’adda dhowrida tayada gobolka Saaxil Dr. Maxamuud Saleeban Xaaji Ducaale oo wariyeyaasha uga warbixiyey agabkan ay gubeen.

Xamse Aadan Haybe oo ah madaxa xafiiska caafimadka Dawladda hoose ee Magaalada Berbera oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay inay si joogto ah u fuliyaan hawlgallada lagu beegsanayo cuntada dhacday iyo mid aan saxadeedu fiicnayn.

Agaasimaha guud ee Hay’adda dhowrida tayada Xamse Suldaan oo goob-joog ka ahaa gubida raashinkan ayaa shaaciyey inay hay’addiisu keentay mishiinnada shaybaadhka cuntada iyo daawada oo muhiim u ah hubinta tayada baddeecadaha “hawsha gubista baddeecadani waa mid kamida shaqada ay hay’addu u xilsaaran tahay qaranka. Hay’adda dhowrida tayaddu waxay keentay shaybaadhkii cuntada iyo kii daawada oo dhawaan madaxweynaha JSL furi doono haddii alle ka dhigo, runtii waxaan rajjeynaynaa inay taasi noqoto guul weyn oo qaranka somaliland iyo geeska afrikaba u soo hooyatay”

Xubin kamida guddida sare ee Hay’adda dhowrida tayada oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa xafiiskooda Magaalada Berbera ku amaanay shaqada fiican ee ay hayaan.

Leave a Reply