Ciidanka Ilaalada Xeebaha Badda oo Helay Deeq Gaadiid ah

0
584

Berbera (Dawan)- Ciidanka Ilaaladda Xeebaha JSL ayaa shalay gaadiid iyo qalab kala duwan oo Ururka Midowga Yurub soo bixiyey ka gudoomay madaxda hay’addaha EUCAP & UNPOS oo wada shaqeyn ka dhexeyso.

Munaasibad loo qabtay wareejinta deeqda gaadiidka iyo qalab ay ku jireen Direys ciidan, qalabka gargaarka degdeg, isgaadhsiinta oo ay ku deeqeen Midowga Yurub, soona mariyeen hay’adda EUCAP & UNPOS oo ka dhacday xarunta Ciidanka ee Magaalada Berbera, ayey ka soo qeybgaleen Wasiir-xigeenka Amniga ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Cabdillahi Xuseen Maxamed, Gudoomiyaha Gobolka Saaxil, Axmed M. Xaashi, masuuliyiin sare oo ka socday UNOPS, Midowga Yurub, Xoghayaha Gobolka Saaxil Nuux Maxamed Saleebaan, Xildhibaano Wakiilada ee Gobolka Saaxil iyo martisharaf kale ayaa Taliyaha Ciidanka Ilaaladda Xeebaha Sareeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax, (Xiirane), oo hadal ka jeediyey ayaa ka mahadceliyey deeqa loo keenay, waxaanu sheegay inaan Ciidanka Xeebahu wax gaadiid ah muddo 12 sannadood ka helin hay’adaha taageera. Lauriamne EU delegation uniforn fis

Taliye Xiirane ayaa sheegay inay hay’adaha la shaqeeya u gudbiyeen dhamaan baahiyaadkooda, isla markaana ka sugayaan deeqo dheeraad ah, Ciidanka Xeebaha JSL waxay heegan u yihiin ilaalinta baddaha, “UN-ta xaq ayaan ugu leenahay siday Soomaaliya u dhiseen, inay noo taageeraan.”

Masuuliyiin kala duwan oo munaasibada ka hadlay ayaa soo dhoweeyey taageerada Ciidanka Ilaaladda Xeebaha JSL loo keenay, kuna baaqay in dhinac walba laga dhiso, si ay u gutaan waajibaadka dadkooda iyo dalkoodu ka sugayo.

Hadal Ms. Laurianne COMARD oo Midowga Yurub ka socotay ka jeedisay ayey sheegtay in hawlgalka EUCAP muddo dheer bixinayeen taageero mug leh si kor loogu qaado awoodda ciidanka Ilaalada Xeebaha badda xagga tababarka iyo la-talinta.

Wasiir-xigeenka Amniga ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Cabdillahi Xuseen Maxamed oo gunaanadkii ka hadlay ayaa amaanay shaqada Ciidanka Ilaalinta Xeebaha oo uu sheegay inay ka ilaaliyeen badda Somaliland in lagu soo xadgudbo, “Waa ciidan heegan u ah ilaalinta nabadgelyada baddaheena iyo xeebaha Somaliland

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply