Maamulka Gobolka Gebilay oo dhagax dhigay afar garoon oo kubadda cagta ah.

0
416

Gabiley (Dawan) – Maamulka gobolka Gabiley iyo ka degmada Gabiley ayaa dhagax dhigay afar garoon oo kubada cagta ah, kuwaas oo laga hirgelin doono dugsiyo ku yaal qaar ka mida xaafaddaha degmadaas.

Duqa degmada Gabiley Maxamed-amiin Cumar Cabdi ayaa sheegay in dhaqaalaha ku baxaaya dugsiyadaas oo laga fulin doono dugsiyada ku yaala afar xaafadood oo degmadaas ah lag maal-geliyay miisaaniyadda dawlada hoose ee degmada Gabiley ee sannadkan 2021, isla markaana ay ay ahaayeen qaar qorshaysnaa.

Maayar Maxamed-amiin Cumar Cabdi waxa kale oo uu sheegay in tallaabadani ay ka mid tahay kuwa ay dawlada hoose ee degmada Gabiley ay ugu tallo gashay in ay kor ugu qaado arrimaha la xidhiidha kubadda cagta iyo dhiirigelinta ardayda ku jirta dugsiyada waxbarashada.

Ugu dambayn guddoomiye ku xigeenka gobolka Gabiley Cali Cabdi Cabdilaahi ayaa sheegay in talaabadaasi ay tahay mid ay dhanka fiican u qaadeen golaha degaanka ee degmada Gabiley, waxaanu intaas ku daray in maamulka goboloku dawladda hoose ee degmadaas ay gacan ka siinayaan arrimaha ku saabsan horumarinta dhinacyada kala duwan ee kaabeyaasha bulshada.

Leave a Reply