Dawladda Hoose ee Hargeysa oo fulisay OLole Nadaafadeed.

0
320

Hargeysa (Dawan)  Dawladda hoose ee Hargeysa ayaa maanta ka fulisay waaxaha kala duwan ee caasimadda olole nadaafadeed oo lagu nadiifinayo goobaha qashinka qubka ah.

Ololahan oo u hoggaaminaayay Maayarka caasimadda Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge ayaa sheegay in ololahan uu qayb ka yahay dedaallada ay doonayaan in lagu nadiifiyo guud ahaan caasimadda, isagoo ugu baaqay bulshada Somaliland inay wax ka baddalaan dhaqankood ah in bahacaha iyo caagadaha ay ku tuuraan goobaha caamka ah, gaar ahaan waddooyinka iyo jidadka.

Geesta kale, maayar ku xigeenka caasimadda Hargeysa Khadar Axmed Cumar ayaa ka qayb galay ololahan nadaafadeed oo laga fuliyay guud ahaan caasimadda, waxaana uu isna sheegay in nadaafaddu ay tahay mid ay dhiirgeliyeen diinteenna iyo dhaqaankeennu, sidaas awgeed ay tahay in xil la iska wada saaro sidii la iskaga fogayn lahaa guddaafadda iyo wasakhda kale ee magaaladu soo saarto, isla markaana la dhawro badqabka guud ee bulshada.

Qaar ka mid ah guddoomiyayaasha degmooyinka caasimadda Hargeysa ayaa iyaguna ololahan ka fuliyay waaxaha caasimadda, iyagoo ay kala qayb galeen dadweynaha aad u tiro badan, goobaha laga fuliyay ololahan nadaafadeed ayaa waxa ka mid ah dooxa weyn ee Hargeysa iyo goobaha kale ee qashin qubka ah ee degmooyinka caasimadda.

Leave a Reply