Maxkamada Sare ee JSL oo Laashay Dacwad ay u Gudbiyeen Xubno ka Mida Golaha Degaanka Gabilay

0
431

“Waxaa la Ooday gal-dacwadeedkan waxaana la farayaa kaaliyaha sare inuu ka tirtiro diwaanka dacwadaha idaariga ah”

 

 

Hargeysa (Dawan) Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay go’aan ka soo saartay, dacwad Idaari ah oo ay u soo gudbiyeen, todoba xildhibaan oo ka tirsan golaha deegaanka degmada Gabilay. Iyada oo gabi ahaan ba Ooday gal-dacwadeedkaas.

Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa go’aanka laalista dacwadan ku sababaysay in mudanayaasha dacwadda soo gudbiyay aanay matali-karin, wakaalad sharci ahna ka haysanin goleyaasha deegaanka ee dalka. kuwaasi oo ka cabanayay go’aan ay hore u soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland oo nuxurkiisu ahaa in golayaasha deegaanka dalku aanay qaban karin fadhi aan caadi ahayn, kaas oo xilka lagaga qaado maayirada iyo maayir ku xigeenada dalka.

Qaraarkan oo Arbacadii shalay 24/11/2021, ka soo baxay Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu u dhignaa isaga oo dhammaystiran sidan:- “Maxkamadda Sare Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Arbacada maanta go’aan ka soo saartay, dacwad Idaari ah oo ay u soo gudbiyeen, 7 mudane oo ka tirsan golaha deegaanka degmo/gobol Gabilay, kuwaasi oo ka cabanayay go’aan ay hore u soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland markay daristay asbaabta racfaanlayaasha kala ah Mudane C/rashiid Haybe Faarax, Mudane Cali Muxumed Xasan, Mudane Axmed Wali C/laahi Kahliif, Mudane Cabdi Cali Xirsi, Mudane Caydaruus Muxumed Cumar, Mudane Axmed Ciisoow Axmed, Mudane Khaalid Maxamed Ismaciil, markay aragtay qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, taariikhdu markay ahayd 13/1/2021 kaasi oo nuxurkiisu ahaa in golayaasha deegaanka dalku aanay fadhi aan caadi ahayn qaban karin, kaasi oo ujeedadiisu tahay in xilka lagaga qaado maayirada iyo maayir ku xigeenada golaasha deegaanka dalka, markay aragtay in golayaasha deegaanka dalku ay leeyihiin urur leh qaab dhismeed oo ay ku midaysan yihiin, markay aragtay in qoraalka wasaaradda arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay mid guud oo khuseeya dhammaan dawladaha hoose ee dalka, markay aragtay in cabashada racfaanlayaashu aanay waafaqsanayn xeerka maadaama, racfaanlayaashu aanay matali karin, wakaalad sharci ahna ka haysan dhammaan golayaasha deegaanka dalka, maadaama uu qoraalka ay ka cabanayaan uu khuseeyo dhammaan golayaasha deegaanka JSL, markay aragtay Qod:- 10, 51, 119(7), 250, 259, ee xeerka habka madaniga iyo dhammaan asbaabta sare ku xusan awgeed Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxay soo saartay qaraarkan;

Qaraarka Maxkamadda Sare ee JSL:

  1. “ Waxay diiday arjiga asbaabta rafcaanka ee ku taariikhaysan 26/10/2021 ee ay Maxkamadda Sare JSL u soo gudbiyeen qareenada rafcaanlayaasha ee kala ah:- qareen Maxamuud C/raxmaan X. Nuur, qareen Sacad Yasiin Maxamuud, qareen Maxamed Maxamuud Xaashi, qareen Mubaarik Maxamuud Cabdi. Maadaama warqada ka soo baxday xafiiska wasiirka wasaarada arimaha guddaha ay ahayd warqad guud oo ku socotay dhamaan golayaasha deegaanka dalka JSL sidaa darteed aanay rafcaanlayaashu ku matalin wakaalad sharci ah oo xeerka waafaqsanna ka haysanin goleyaasha deegaanka ee dalka JSL.
  2. Waxay Ooday gal-dacwadeedkan waxaana la farayaa kaaliyaha sare ee Maxkamadda Sare JSL inuu gal-dacwadeedkan ka tirtiro diwaanka dacwadaha idaariga ah.
  3. Qaraarkan wuxuu soo baxay maanta oo ay taariikhdu tahay 24/11/2021.”

Gudida Garsoorka:

  1. Maxamed Cumar Geele: Guddoomiye
  2. C/qaadir Axmed Maxamuud Xubin
  3. C/raxmaan X asan Nuur Xubin

Kaaliyaha Maxkamadda Sare JSL

Cumar C/wahaab Siciid.

 

Leave a Reply