Ururka Naafadda JSL oo Shahaado ku Sharfay Taliyaha Ciidanka Qaranka

0
634

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha Ururka Naafada Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Xaaji Jaamac Diiriye ayaa shalay shahaado sharaf guddoonsiiyay Taliyaha ciidanka Jamhuuriyadda Somaliland Taleye Nuux Ismaaciil Taani. Taas oo lagu dhiiri-gelinayay hawlaha uu qaranka u hayo iyo baaxadda masuuliyadda ammaan.

Ururka naafada Somaliland ayaa shahaado-sharaftan ugu talo-galay dhiidhi-gelinta Ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland ee hadh iyo habeen u taagan ama heeganka u ah ilaalina amniga guud ee qaranka iyo Taliye Nuux Taani oo isagu ah hoggaamiyaha ciidanka Somaliland.

Gudoomiyaha Ururka Naafada Somaliland Mudane Daahir Xaaji Jaamac Diiriye ayaa xafiiskiisa ku guddoonsiiyay taliyaha ciidanka qaranka Janaraale Nuux Ismaaciil Taani , taas oo ka turjumaysa dareenka ururka naafadas Somaliland ee ku wajahan taageerada iyo qadarinta ay u hayaan ciidamada qaranka iyo taliyahooda ba.

Gudoomiyaha Ururka Naafada Somaliland Mudane Daahir Xaaji Jaamac Diiriye oo isagu taliyaha guddoonsiiyay shahaadada ayaa sheegay in shahaado sharaftan ururku bixiyay ay tahay mid uu taliyaha ciidasnka Qaranka Somaliland Nuux Ismaacil Taani uu ku mutaystay, Iskuhaynta Horumarinta Ciidanka Qaranka, Sugidda Xuduudaha Dalka, Daryeelka, Kaabista iyo kor u qaadista Dadka Naafada ah iyo Bulshada Inteeda Nugul.

Gudoomiyaha Ururka Naafada Somaliland Mudane Daahir Xaaji Jaamac Diiriye oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Shahaadadan oo ah mid lagu sharfayo taliyaha ciidanka qaranka Somaliland, waxaa bixiyay ururka Naafada Somaliland, waxaana taliyaha guddoonsiiyay aniga oo ah guddoomiyaha ururka Naafada Somaliland, iyada oo shahaadadani ay tahay mid Taliye Nuux Taani uu ku mutaystay hawlaha uu qaranka u hayo ee ay ka midka yihiijn Horumarinta Ciidanka Qaranka, Sugidda Xuduudaha Dalka, Daryeelka, Kaabista iyo kor u qaadista Dadka Naafada ah iyo Bulshada Inteeda Nugul.”

 

 

Leave a Reply