Wasiirka Khaarajiga Taiwan oo Shaaciyey inay sii Xoojinayaan Cilaaqaadka ay la leeyihiin Somaliland

0
452

Hargeysa (Dawan)-Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Taiwan, Mr. Joseph Wu, ayaa sheegay dalkiisu sii wadayo maalgelinta Jamhuuriyadda Somaliland oo cilaaqaad saaxiibtinimo ka dhexeeyo.

Sidaasna waxa baahiyey Idaacadda Caalamiga ee Taiwan, oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, waxaanu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Taiwan xusay in dalkiisa iyo Jamhuuriyadda Somaliland ay wadaagaan dimuqraadiyadda iyo marxaladaha siyaasiga ah.

Joseph Wu, wuxuu caddeeyey inay Jamhuuriyadda Somaliland wax kala qabanayaan arrimaha Kalluumaysiga iyo Macdanta.

Wasiirka Khaarajiga Taiwan waxa kaloo uu intaas ku daray inay Somaliland iyo Taiwan ka wada shaqeynayaan sidii loo horumarin lahaa ilaalinta iyo xeebaha JSL, si loo xakameeyo halista budhcad baddeeda ka jirta xeebaha Geeska Afrika.

Geesta kalena, Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan wuxuu sheegay in dalkiisu ay ka go’an tahay inuu xidhiidh adag la yeesho dalalka gobolka Baasifiga si dalalka ku jira urur goboleedkaas u yeeshaan iskaashi wax wada qabsi.

Leave a Reply