Badhasaabka Sool Oo Dhagax Dhigay Dhismaha Xarunta Bakhaaradda Kaydka Calafka Xoolaha

0
852

Khaddar Cabdi Muuse

Laascaanood (Dawan): Badhasaabka gobolka Sool C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, ayaa shalay magaaladda Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Bakhaaradda kaydka Calafka xoolaha oo laga hirgelinayo Laascaanood.

Waxaana dhismahaasi maalgelinaysa haayadda Qarramada Midoobay u qaabilsan arrimaha cuntadda iyo beerraha ee magaceedda loo soo gaabiyo FOA, iyadoona soo marisay wasaaradda xanaanadda xoolaha Somaliland.

Dhismahan xarunta Bakhaaradda kaydka Calafka xoolaha ayaa laga hirgelinayaa dooxadda Ooddo-gooye  oo  ku taalla duleedka magaaladda Laascaanood, iyadoo dhulkaasina ay bixiyeen qoys ka mid ah dadka deegaankaasi.

Dhagax dhiga dhismaha xaruntaasi waxaa badhasaabka Sool   ku wehelinayay isku-duwaha wasaaradda xanaanadda xoolaha iyo kalluumaysiga ee  gobolka Sool, xubno ka socday haayadda FOA, xoghayaha gobolka Sool, iyo masuuliyiinta shirkadda dhismahaasi fulinaysa.

Sidoo kale waxaa dhagax dhiga xaruntaasi goob joog ka ahaa dadka iyagu bixiyay dhulka laga dhisayo dhismahani xarunta Bakhaaradda kaydka Calafka xoolaha ee gobolka Sool.

Badhasaabka gobolka Sool C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, oo hadal ka jeediyay dhagax dhiga xaruntaasi ayaa sheegay in xaruntani loo dhisayo si ay dadka deegaankaasi ee xoolo-dhaqatadda ahi ugaga faa’iidaystaan.

Waxaanu tilmaamay badhasaabku in hirgelinta xaruntaasi ay tahay faa’iido u soo korodhay dadka deegaanka iyo qaranka Somaliland ba, isla markaana dadka deegaankaasi looga baahan yahay inay gartaan qiimaha ay u leeyahay kaydka xoolo-dhaqatadu.

Gaar ahaana marka ay abaarruhu ku dhacaan oo la qorsheeyay in ay ka faa’iidaystaan kaydkaasi, waxaanu yidhi,“Waxaan maanta (shalay) dhagax dhigaynaa bakhaarro, ama seerro, calafka xoolaha lagu kaydinayo, oo loogu xidhayo deegaanka, si ay ugaga faa’iidaystaan dadka xoolo-dhaqatadda ah ee deegaankani degan. Mashruucaasi oo ay hirgelinayso haayadda FOA, waxaanay soo marisay wasaaradda xanaanadda xoolaha Somaliland taasoo laga hirgelinayo gobolkan Sool, khaasatan magaaladda Laascaanood.

Dadka deegaanka, waa faa’iido idiin soo korodhay, waa faa’iido gobolka u soo korodhay, waana faa’iido qaranka Somaliland oo dhan u soo korrodhay. Faa’iidadda ay shacabku ka faa’iidaystaan ee ay gartaan qiimaha uu leeyahay kaydku, oo xoolo-dhaqatadu khaasatan marka ay abaarruhu ku dhacaan oo kale aynu uga faa’iidaysanayno kaydkaasi”.

C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, ayaa uga mahad celiyay wasaaradda xaananadda xoolaha Somaliland iyo haayadda FOA hirgelinta mashruucaasi. Sidoo kalena waxa uu badhasaabku ku booriyay shirkadda dhisaysa dhismahaasi in ay sida loo qorsheeyay u fuliso.

“Waxaan uga mahad celinayaa wasaaradda xanaanadda xoolaha oo iyadu kaydkani gacanta ku hayn doonta. Waxaan isagana ku boorinayaa shirkadaha dhismaha ee Kooraan, oo ah shirkadda dhisaysa dhismahani, in aad u dhistaan sidii loogu tallo galay, ee naqshadda ku qoran, ee ay tahay, in lagu dabo-geli doono, anagu ka gobol ahaan” ayuu yidhi C/kariin Aadan Xaaji Diiriye.

Geesta kale haweenay u hadashay dadka bixiyay dhulka dhismahaasi laga dhisayo oo iyadna halkaasi ka hadashay, ayaa tidhi “Waxaan halkani ku bixiyay dhul aan anigu iska lahaa. Waxaanan siiyay deegaankan Ooddo-gooye, dadka ku nool, si ay uga dhigtaan kaydkii xalafka xoolaha loogu xafidi lahaa. Haayadda dhisaysa na, waan uga mahad celinaynaa, anaga na waa faa’iido noo soo korodhay. Dhulka na anigaa iska leh, oo xaq leh ka ahaa, anigaa na bixiyay”.

Dhinaca kale masuul u hadlay shirkadda Goorraan, dhismahani dhisaysa ayaa balan qaaday in ay sida ugu qurux badan ee loo qorsheeyay u fulin doonaan dhismahaasi. Waxaanu yidhi, “Waxaan balan qaadayaa in aan ku shaqayn doono design ka ay haayadu soo diyaarisay, khibradeedda iyo awoodeedana aanu leenahay.

Waxaanan balan qaadayaa in aanu shaqadaasi sidii loogu tallo galay iyo mudadii loo qorsheeyay in lagu dhamaystiro-na uga soo bixi doonno. Anagoo deegaanka iyo gobolka n aka soo jeed na, oo si lexejeclo leh na u dhisi doona, haddii ALLE SWT ka dhiggo”.

Leave a Reply