Hargeysa (Dawan) Mashruuca Dib u xooleynta ee Wasaaradda Xanaannada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga JSL
Waxaa sanadkii labaad dib u bilaabmay Mashruuca dib u xooleynta dadkii Xooluhu ka baxeen kaas oo laga maalgalinayo miisaaniyada qaranka.
Waxaana fulinaysa Mashruucan Wasaaradda Xanaananadda Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga JSL
Waxaa rasmi ah Iga bilaabmay Gobolka Awdal Mashruuca dib u xooleynta dadkii Xooluhu ka baxeen kaas oo loo qeybiyey 100 Qoys
Kun neef (1,000)oo dhaqmaad ah tirada guud ee qoys kastaa helay waa 10 Neef
Qoysaska ka faaidaysan doonaa waxay dhan yihiin 1,000 Qoys.