Xirsi oo ka Warbixiyay kulamo ay Nairobi kula yeesheen safiirada dalalka taageera doorashooyinka Somaliland.

0
532

Hargeysa (Dawan) Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa ka warbixiyey kulamo ay Nairobi kula yeesheen safiirada dalalka taageera doorashooyinka Somaliland.

Guddoomiye Xirsi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi.”Maalintii labaad ayay weli noo socdaan kulamadii, waxaannuna kulamo kala duwan la qaadannay safaaradaha Denmark, Xafiiska EU-da ee Nairobi iyo Safaaradda Canada oo iyadu ku cusbayd arrimaha doorashooyinka Somaliland.

Dhammaan kulamadaasi waxay noogu dhammaadeen is afgarad iyo guul, berritana waxaan leennahay kulamo kale oo muhiim ah, waxaanan rejaynayaa inay noogu soo idlaadaan guul iyo wanaag, danta Somaliland ayaa inoo ballan ah.”

Leave a Reply