Dhul Beereedka Kooban Ee Dunida Ku Filaaday!

0
908

Sareenka aya ah dalaga ugu muhiimsan raashinka dal kasta ee maanta caanka ka ah dunida guud ahaan, sidaas darteed dunida ayaa dalal badani beeraan Qamdiga kaasi oo kor u qaada dakhligooda maadama uu yahay  raashin guud ahaan dunida laga manaafacsado.

Waxana uu sareenku ka mid yahay dalagayda sii kordhiya ee dunida raashin kala duwan laga sameeyo. Qamadiga wuxu hodan ku yahay Protein , bir carbohydrates waana raashin u wanaagsan koritaanka jidhka dadka.

Haddaba sanoyinkan u danbeyey ayay  noqdeen dalalka cimaladoodu u badan tahay qabowga ee Midowga Yurub kuwa hogaaminayay beeritaanka iyo soo saarida Sareenka dunida lagu isticmaalay. Guud ahaan warbixin la soo saaray ayaa cadaysay inay dalalka Midowga Yurub beereen sareen dhan 157,663,000 Mton sanooyinkii u danbeeyay, kuwaasi oo ay dunida u iib geeyeen.  Waxaana ka iibsaday dalal badan oo iyagu ka cimilo wanaagsan oo inay beeran oo ay cimilada dhulkooda ka faa’iidaystaan awoodi waayay. Dalalka  Midowga Yurub ayay qaarkood 3 bilood oo keliya sanadka wax beertaan halka kuwa ay ka iibiyeen ee awoodda beerashada kari wayay ay cimiladoodu u saamaxayso inay beertaan 12 bilood ee sanadkaba. Cimilada iyo deegaanka wanaagsani wax soo saarka badan aiyo horumarka ma keeno ee kartida iyo awoodda la geliyo ayaa sabab u ah.

Leave a Reply