Madarasadda Al Ikhlaas  ee Hargeysa oo 9 ardey oo Dhameystay Qur’aanka Kariimka ah u qabatay Munaasibad.

0
554

Hargeysa (Dawan) Waa madal kulmisay arday la baray waxa u khayrka badan adduunka, waa sagaal hablood oo la baray xifdinta Qur’aanka Kariimka ah.

Haddaba munaasibadan lagu maamusayay hablahan dhammeystay barashada iyo xifdinta Qur’aanka Kariimka ah ayaa ka dhacday magaalada Hargeysa, taasi oo ay ka soo qaybgaleen waalidiin, arday iyo maamulayaal goobo kale oo Qur’aanka lagu barto iyo marti Sharaf kale.

Munaasibadan ayaa ahayd mid si weyn loogu dhiirigeliyay in haweenku bartaan diinta maadama ay yihiin soo saarayaasha jiilka mustaqbalka,

Ardaydan ayaa goobtii munaasibada loogu qabtay ku soo bandhigay faa’idada uu leeyahay Qur’aanka oo la barta, nashiidooyin iyo gabayo ay ku cabireen weyneynta Kalaamka ALLE.

Qaybihii kala duwan ee culimadii ka soo qayb gashay, waalidiintii iyo marti sharaftii kale  ayaa maamulka iyo macalimiinta madarasada Al Ikhlaas ku boggaadiyay sida ay isaga xil saareen in ay sagaalka hablood baraan Qur’aanka Kariimka ah isla markaana ay xafidsiiyaan.

Sidoo kale waxa sagaal hablood iyo koob iyo toban kale oo ka shaqeeyay qabsoomida munaasibadan la guddoonsiiyay abaalmarino kala duwan oo lagu dhiirigelinayay.

Guddoomiyaha madarasada Daarul Ikhlaas marwo Safiya Cabdillaahi ayaa ALLE uga bariday in uu if iyo aakhiraba ku anfaco waxaaney tidhi.“Waxaan halkan ugu hanbalyaynayna sagaalka hablood ee dhammeystay Kitaabkii ILLAAHEY, waxa aynu ILLAAHEY uga rajjaynayna in ay noqdaan kuwa uu anfaco if iyo aakhiraba, waxaan kula dardaarmaya in aanay dhigin Kitaabka ee ay halkaasi ka sii wadaan barashadiisa iyo akhriskiisa”

Maamulaha madarasada Daarul Ikhlaas Sheekh Isaxaaq Sheekh Cali Sheekh Mursal, ayaa balanqaaday in uu sii wadayo dadaalkii uu hablahan hore wax ugu baray ilaa ay tafsiirka Qur’aanka Kariimka ah ka dhammeysanayaan, waxaanu yidhi. “Kii Qur’aanka akhriyi jiray ee ku cibaadeysan jiray, maalinta Qiyaamaha waala soo istaajinaya oo waxa la odhanaya ‘Hebelow Qur’aankii ka waran’? markaasi ayuu odhanaya ILLAAHOW adiga darta ayaan u akhriyay ilaa adiga dartaana aan u dhintay, markaasu ILLAAHEY odhanaya beenbaad sheegtay, Malakul Jibriilna waxa uu odhanaya beenbaad sheegtay Malaa’igta oo dhammina waxa ay odhanayaan beenbaad sheegtay, si lagu yidha hebel wuu cod fiican yahay oo Qur’aanka si fiican ayaad u akhriday intaasina waa lagugu soo yidh.

Fasaxa yar ee aynu galeyno yaan Qur’aanka la soo ilaawin, waxa danbeeya in aynu Qur’aanka dib u eegi doono haddii ILLAAHEY yidhaaho, waxaana inoo yaala tafsiirkiisi iyo sidii sodonka jis aynu meel u saarilahayn Tafsiiskiisa haddii ILLAAHEY yidhaaho, waxa inoo yaal subcis adag, arday kale oo badanina waa ay ku soo dhaw dahay”

Xannaan Muuse Cali Farruur maamulaha madarasada Al-irshaad ayaa hooyooyinkii iyo hablihii ka soo qaybgalay munaasibadii loo sameeyay hablihii dhammeystay barashada Qur’aanka Kariimka ah faraqa ugu gunuday dardaaran waayo iyo duco ah.“Cilmiga haweenku bartaan guryaha ayay la fadhiistaan, imika sagaalka hablood ee Qur’aanka dhammeeyay waxa loo baahan yahay umadda Islaamka ah sababto ah waxa saran masuuliyad waxaad arkaysa hooyo diyaarinaysa ubadkeedii una kalahaysa salaada subax ka hor xata aan ku dardaarmayn kuna dadaalayn inay tukato labada salaadood ee subaxa, kii rasuulku u sheegay SCW, kaliyana u diyaar garoobaysa xabada laxoox ah ee carruurteedu cunayso.

Qur’aanka Kariimka ah ee aad dhammeyseen ILLAAHEY miisaanka xasanaadka haydinku daro, waxaan idinka codsanaya in  aad dacwada diinta Islaamka ka shaqeysaan, guryihiina ka bilowday jaarka bilowdaan”

Leave a Reply