Aabbe beeralay ah ayaa wiilkiisa kula taliyay inuu shaqo ka soo raadsado magaalada. Wiilka ayaa qaatay talada aabbihii oo tegay magaalada. Intii uu ku jiray safarkii lugta ee dhexda ayuu daalay ka dibna geed ayuu hoos fadhiistay.
Geedka waxa fuushana Gorgor ay ka muuqato xanuun iyo gaajo oo geerida qarka u saaran.
Wiilka ayaa aad u naxay oo is weydiiyay “ Haddaan raashin sidan lahaa waan quudin laha”. Waxa yar ka dib waxa geedka meel u dhow Ugaadh uu eryanayay ku qabsaday Libaax. Markii uu dhergay ayuu ka tegay hadhaagii.
Gorgorkii ayaa soo degay oo cunay, ka dibna geedkiisa ku noqday isagoo gaajadii ka ba’day oo dhaqdhaqaaq iyo cod bilaabay. Wiilka ayaa iskaga noqday shaqadii uu doonayay oo aabbihii uu tegay.
Aabbihii ayaa weydiiyay waxa ka soo celiyay inuu magaaldii shaqo u doonto. Wiilkuna wuxu uga sheekeyay qisadii, waxaanu yidhi: “ markii aan arkay libaaxa u keenay ugaadha Gorgorka waxaan ogaaday in risiqu yahay wax qoran oo laguu keenayo adigoon doonanba meel kasta oo aad joogto, markaa maxaan shaqo ka doonan wixii la ii qoray halkan ayay Aabbo iigu imanaysaa”.
Aabbihii ayaa ugu jawaabay “ Oo Miyaanad adigu jeclayn inaad noqoto libaaxa isugu ku keenaya ee dedaalkiisa lagu dhergayo, halkii aad ka noqon lahayd Gorgor buka oo sugaya hambada kan dedaalay ee shaqaystay”. Risiqu wuu qoran yahay laakiin u dedaal inaad shaqaysato oo dadkana waxtar u yeelato, mar kasta maaha inaad noqoto mid ku nool dedaalka qof kale oo noqonaysa inaad tahay dawarasade aan baahi bixin.