Guusha Bakhtiyaanasiibka Mexico oo isu Beddelay Qax

0
227

Waalidiinta ku nool xarun xannaano oo ku taal koonfurta Mexico ayaa sheegay inay u hanjabeen koox burcad ah ka dib markii xarunta xanaanada caruurtooda ay ku guuleysteen Bakhtiyaanasiib sanad kasta la qabto oo ay heleen lacag dhan 20 million oo ah lacagta dalkaas ee loo yaqaano pesos una dhganta ($ 950,000 Dollar ama; £ 710,000 Ginni).

Xannaanada waxa dhigta in ka badan labaatan arday, waalidkoodna ayaana loo xilsaaray maamulida abaalmarinta.

Wax yar ka dib markii ay guushooda soo shaacbaxday ayaa waxaa hanjabaado u soo diray koox hubeysan, kuwaas oo ka dalbaday in lacagtaas ay hub ugu soo iibiyaan budhcadda.

Qoysaskan ayaa sheegay in ay ku qasbanaadeen in ay ka cararaan tuuladoodii oo ay muddo badan ku noolaayeen nolol adag.

Rabshadaha gaangiska ayaa ku badan dalka Mexico waxaana kooxaha hubeysani ay inta badan isku dayaan in ay qortaan dadka deegaanka si ay ula dagaalamaan kooxaha ee ay isku hayaan maamulka dhulka.

Bakhtiyaanasiibka oo loo yaqaano Bakhtiyaanasiibka Diyaarada (plane lottery) ilaa oo

Tigidh oo midkiiba yahay 500-peso la iibiyey waxa iibsaday ka faa’iidaystayaal aan la aqoonsan waxaana inta badan loogu tallo galay dugsiyada saboolka ah iyo xanaanooyinka dalka oo dhan.

Guddiga Bakhtiyaa-nasiibka Mexico ayaa abaabulay bakhtiyaanasiibkan ka dib markii qorshe hore oo lagu doonayay in lagu iibiyo diyaaradda madaxweynaha si dhaqaale loogu ururiyo isbitaallada iyo xannaanooyinka loo arkayay mid aan macquul ahayn.

Liiska 100- guuleyste ayaa lagu dhawaaqay Sebtembar 2020 oo la sheegay in ay lacag heli doonaan sida lagu baahiyey wargeysyada Mexico.

Xannaanada yar ee ku taal tuulada asaliga ah ee Ocosingo ayaa ka mid noqotay guulaystayaashii.

Dabayshu warkaasi wuxuu sabab u noqday damaashaadka markii hore, balse dhibaatada ayaa bilaabantay wax yar ka dib markii uu warku faafay.

Xubno ka tirsan ururka waalidiinta ayaa sheegay in ay u bilaabmeen hanjabaado uga imanayay koox hubeysan oo lagu magacaabo Los Petules kuwaas oo dalbaday in lacagta abaal-marinta ah ay ku iibiyaan qoryo ay u adeegsadaan burcadda, kuwaas oo la sheegay in ay qorsheynayeen weerar ay ku qaadaan koox iska soo horjeeda oo ku sugan tuulo ay deriska yihiin.

Waalidkii ayaa diiday, taas beddelkeedana qayb ka mid ah lacagta waxay ku bixiyeen daryeelka saqaf cusub oo loogu tallo galay xannaanada.

Hanjabaadaha ayaa kordhay sanadkan markii waalidiintu ay go’aansadeen in lacagta inta u hadhay oo dhan 14 million oo Pesos in ay u isticmaalaan horumarinta tuuladooda.

Bishii March, hal aabbe ayaa waxaa toogtay xubno burcad ah oo ka dalbaday inuu ku wareejiyo lacagta abaalmarinta.

Bishii la soo dhaafay, ayay xaaladdu sii xumaatay markii la sheegay in kooxdan burcadda ah ay weerar ku qaadeen haween iyo carruur tuuladaas ku nool, taas oo sababtay in 28 qoys ay ka cararaan tuulada.

Mid ka mid ah ururka waalidiinta ee tuulladaa ayaa sheegay in qoysaska tegay ay lumiyeen “lo’doodii, guryihiiii, qalabkii, Galley iyo digirtii, iyo weliba digaagagii”.

Afhayeen u hadlay qoysaska maqan ayaa ku wargeliyeen maamulka deegaanka xaaladdooda, waxaanay sheegeen in ay ku adag tahay in ay dib ugu soo laabtaan guryahoodii, iyada oo burcadda hubka laga dhigin oo la kala diro mooyee.

 

 

 

Leave a Reply