Lacag Gaadhaysa $20,000 Oo Laga Dhex Helay Suuli Ku Yaal Qasriga Peru

0
388

Dacwad oogayaasha dalka Peru ayaa helay lacag dhan $20,000 kun oo Dollar una dhiganta (£15,000) oo ginni taas oo lagu dhex qariyey musqul ku dhexyaalla madaxtooyada. Dacwad oogayaasha ayaa Jimcihii xoog ku galay qasriga taas oo qayb ka ahayd baadhitaan lagu hayo eedeymaha la xidhiidha ganacsiga.

Bruno Pacheco, oo Jimcihii iska casilay xilkii madaxa shaqaalaha ee Madaxweyne Pedro Castillo, ayaa u sheegay baadhayaasha in lacagtaasi ay tahay mid uu isagu leeyahay, balse wuxuuna diiday inuu wax khalad ah sameeyay.

Waxa uu sheegay in lacagtaasi ay isugu jirtay keydkiisa iyo mushaarkiisa. Mushaarka Mr Pacheco bishii waa 25,000 oo lacagta Peru ah una dhiganta ($6,250 Dollar ama £4,600 ginni), dukumeenti rasmi ah ayaa shaaca ka qaaday.

laakiin,u muu sheegin baadhayaasha sababta uu lacag intaa le’eg ugu haystay suuliga xafiiskiisa.

Weerarku wuxuu qayb ka ahaa baadhitaan lagu sameeyay eedeymaha ah in Mr Pacheco uu ku cadaadiyay madaxda canshuuraha Peru iyo wakaaladda canshuuraha ee Peru in shirkado gaar ah oo ay maamulaan xubno ay saaxiibo yihiin in ay naas nuujin siiyaan.Mr Pacheco ayaa beeniyay eedeymahaas. Waxa uu sidoo kale ku adkaystay in iscasilaadiisa aanay la xidhiidhin wax khalad ah balse ay ahayd inuu ilaaliyo Mr Castillo, “si aanay madaxweynaha dhinaca ololaha uga taaban wax magac-xumo ah”.

“Waxaan ka tagayaa aniga oo madaxa kor u taagaya, waxaana hubaal ah in aan caddayn doono in aan dambi lahayn,” ayuu ku sheegay hadal uu soo saaray. Madaxweyne Castillo ayaa magacaabay madaxa cusub ee shaqaalaha oo bedelaya Mr Pacheco Salaasadii. Mr Castillo, oo hore macallin u ahaa garabka bidix, ayaa noqday madaxweyne bishii July ka dib markii uu si dirqi ah kaga adkaaday doorashada ninka uu la tartamayey ee garabka midig, Keiko Fujimori.

Kaliya ma aha in Mr Castillo uu cadaadis kala kulmay Ms Fujimori, oo xisbigeedu uu todobaadkii hore sheegay in uu taageerayo dadaallada lagu doonayo in xilka looga qaado madaxweynaha, balse sidoo kale waxaa jira caadaadisy ka imanayay qaar ka mid ah macallimiintiisa. Salaasadii, xubno ka tirsan ururka macallimiinta ayaa socod ku maray caasimadda Lima, iyaga oo dalbanaya in 6% loo kordhiyo miisaaniyadda waxbarashada si loo daboolo mushaharka sare iyo mushaharka macallimiinta.

 

 

 

 

Leave a Reply