Xabsiga Werwerka Iyo Walaaca!

0
514

Xabsiga lagu magacaabo “Anigaa Is xidhay” ayaa ka furan dalka Koonfurta Kuuriya. Xabsigan waxa taga oo isku xidha dadka nolosha ku daalay, ee doonaya inay ka dhuuntaan hawsha iyo fikirka badan.

Dadka xabsigan codsada in lagu xidho waxa laga qaadaya kharash dhan  $ 90, waana marka uu codsad inuu xidhnaado muddo 24 saac ah.   Dadka u badan ee macmiilka uu noqday jeelkan waa ganacsatad, shaqaalaha iyo ardayda ah.

Mudada uu xabsigani shaqaynayay oo gaadhaysa muddo 5 sano, waxa codsaday oo isku xidhay dad ka badan 2000 qof.

Mr.Noh Ji-Hyang, oo ah ninka asaasay xabsigan ayaa yidhi: “ fikraddani waxa ay nagu dhalatay ka dib markii aanu ogaanay duruufaha bulshada qaarkeed haysta ee leh werwerka, walaaca iyo isku buuqa. Dadkaasi ayaa u baahan inuu helo wakhti uu ku qaato goob cidla ah oo aanay jirin dad ku buuqa iyo kuwo la murma midkoodna”. Waxa kale oo uu sheegay inay dadku aad u jecel yihiin oo qiraan in aanay meeshani ahayn jeel ee ay tahay goob nasasho.

Marka qofku xabsigan soo galo waxa la wareega ciidanka jeelka oo xidhan dirayskooda, waxaana maxbuuska loo xidhaan isagana dharka jeelka oo midabkiisu buluug yahay iyadoo dhamaan alaabta uu sitana laga reebo. Maxbuusku mudada uu jeelkan ku jiro waxa uu seexdaa sibidhka oo gogol yar loo dhigo, mana jirto dad soo booqanaya oo loo ogol yahay mudadaasi. Raashinka waxa laga siiyaa daaqad yar sida jeelka caadiga ah. Waxaana ka sheqeeya shaqaale sida ciidanka jeelasha caadiga ah. Source (independent.co.uk)

Leave a Reply