Islaamka Iyo Xuquuqda Qoyska

0
477

Saxaabiga Abuu Hurayrah (Rc) wuxuu yidhi: Rasuulka Allah (scw) wuxuu yidhi: ” Yaanu ninka muslimka ahi wax cadho iyo naceyb ah u qaadin gabadha muslinka ah (gabadhiisa). Arrin ayuu ku dhibsan karaa, waxaase laga yaabaa inuu mid kale oo wanaagsana (ka helo) oo uu raalli kaga noqdo”. Werin (Muslim).  (Kitaabka Sexexa Muslim)

Mucaawiyah Ibna Xaydah (Rc) wuxuu yidhi: Waxaan ka codsaday Rasuulka Allah (Scw) inuu ii sheego waxa ay gabadhu ninkeeda xaq ugu leedahay? Wuxuu yidhi: “Quudi sidaada oo kale, markaad  naftaada quudisidba. Arrad beelna sii sidaada oo kale ah markaad arrad baxdoba; wejigana ha ka garaacin; ha af lagaadeyn, markii aad u cadhooto oo aad doonayso inaad ka fogaato, guriga ha ka tegina, meel kale oo ka mid ah guriga seexo. “.    Werin (Abuu Daawuud) Waxaana sugay  sexeex inuu yahay Albaani.

 

Leave a Reply