Falsafadda Dagaalka Iyo Boobka Ee Caalamka!

0
469

Sanadkii 1960 xarunta qaramada midoobay waxa ka dhacay fadhigii 15aad.  Fadhigaasi waxa khudbad ka jeediyay madaxweynihii Sofiyeetka (Ruushka) ee wakhtigaa  laguna magacaabi jiray Mr.Nikita Khrushchev.

Khudbada uu  jeediyay ayaa u badnayd hanjabaad si toos ah ugu socotay dalalka gableedka ee Maraykanku hogaamiyo.  Erayada khudbadiisa waxa ka mid ahaa: “ Waxaan balan qaadaynaa Maraykanka in aan awoodayada  u muujino, isagoo adeegsaday Erayga Ruushka ah:  “Мать Kozka”. Wakhtigaasi ninkii ka turujumayay maa aanu u turjumin eraygaa macnihiisa madaxadii khudbada dhegaysanaysay.

Laakiin kelmadan ayaa caan noqotay iyadoo markii danbe lagu qoray dhamaan qunbula-duriyihii Sofiyeetka.   Kelmaddan ayaa macnaheedu ahaa “ waanu kaasi xabaali doona”.

Waxa kale oo fadhigaasi ka jeediyay khudbadii ugu dheerayd ee abid laga jeediyo minbarkaasi Fedal Castro madaxweynihii Cuba ee hore , taasi oo socotay 4 saacadood iyo 29 daqiiqo. Waxaana khudbadiisa uu cinwaan uga dhigay “ Falsafadda dagaalku waxay dhamaanaysaa marka ay dhamaato falsafadda boobku”. Waxa uu ku dhaliilay madaxweynihii Maraykanka ee waagaasi Kandy isagoo ku sheegay inuu jaahil yahay oo aan wax aqoona lahayn oo ka baqanaya taageerada Sofiyeetka ee Cuba.  Labada khudbadood ayaa noqday kuwii ugu dheeraa uguna hanjabaadda badnaa, khudbadaha laga jeediyo golaha Amaanka.

 

Leave a Reply