Inshiraax: Haweeneydii Masar u dhalatay ee Israa’iil u basaastay

0
996

Warbaahinta Masar ayaa dhawaan shaacisay in haweeney u dhalatay waddankaas, balse u basaasi jirtay Israa’iil ay ku dhimatay Tel Aviv kadib xanuun maskaxda uga dhacay oo muddo hayay.

Inshiraax Muusa oo markii dambe la baxday magaca Dina Ben David ayaa ku geeriyootay da’da 87 jir, dhowr bilood kadib markii uu cudurka Kansarka u dhintay wiilkeeda Rafi Ben David.

Waa tuma Inshiraax [Dina]?

Inshiraax ayaa kamid ahayd basaasiinta ugu caansan bariga dhexe, waxaana Israa’iil ay gacan sirdoon oo muhiim ah ka siisay wixii ka dambeeyay dagaalkii 1967, ka hor inta aysan sanadkii 1974 qaban mukhaabaraadka Masar.

Sanadkii 1937 ayay ku dhalatay gobolka Minya ee Koonfurta Masar, waxaana ay guursatay Ibrahim Shaheen oo ay isu dhaleen saddex carruur ah.

Kadib dagaalkii 1967 ee ay Israa’iil ku qabsatay Siinaay, Ibrahim Shaheen oo markaa shaqo la’aan ahaa ayaa cunno u doontay xafiiska taliska Israa’iil ee deegaankaas, waxaana lagu wargeliyay in mushaar 70 dollae ah bishii la siinayo hadduu la shaqeeyo.

Sida uu daabacay wargeyska Al-Ahram, Ibrahim ayaa arrintaas u bandhigay xaaskiisa Inshiraax, waana ay la qaadatay. Kadib waxaa lamaanaha tababar siisay hay’adda Mossad ee sirdoonka u qaabilsan Israa’iil si uu xogta uga soo diro Qaahira. Sidoo kale waxaa Ibrahim lagu tababaray hubka noocyadiisa kala duwan.

Ibrahim ayaa qoyskiisa ula guuray Qaahira, waxaana xaaskiisa iyo saddexdiisa wiil oo markaa da’yar ahaa ay ka caawiyeen ururinta xogta ciidamada iyo qorshaha dagaalka, sida uu daabacay Al-Ahram.

Dilkii taliyaha ciidamada Masar

Inshiraax ayaa la rumaysan yahay inay Israa’iil gacan ka siisay dilka taliyihii ciidamada Masar, sarreeye guud Cabdulmuncim Riyaadh, kaasoo bishii March 1969 ku dhintay furinta Suez.

Inshiraax iyo seygeeda Ibrahim ayaa xillyadaas marar badan tegay Israa’iil si ay u soo qaataan tababar iyo qalabka basaasnimada, waxaana ay xog badano o muhiim ah ka gudbiyeen dagaalkii 1973 ee Israa’iil looga itaal roonaaday.

Sirdoonka Masar ayaa dabagal dheer kadib ka war helay shabakadda Inshiraax, waxaana bishii August 1974 ay gacanta ku dhigeen Ibrahim iyo qalabka uu ku basaasi jiray. Inshiraax ayaa xilligaa ku maqneyd Talyaaniga halkaa oo ay kula kulantay rag ka tirsan Mossad.

Isla bishaas ayay dib ugu noqotay Masar, waxaana gurigeeda ku sugayay xubno ka tirsan sirdoonka Masar kuwaasoo gacanta ku dhigay.

Maxkamad ku taalla Masar ayaa November 1974 xukun ku riday qoyskaas sirdoonka ahaa, waxaana Ibrahim iyo Inshiraax lagu helay khiyaano qaran, iyagoo lagu xukumay dil, halka wiilkooda weynay loo taxaabay xabsiga. Labada wiil ee kale ayaa la geliyay xarun lagu daryeelo.

Ibrahim waxaa lagu fuliyay xukunka dilka ah, halka Inshiraax ay ku badbaaday codsi ka yimid Israa’iil. Saddex sano ayay xabsi ku jirtay ka hor inta uusan cafis u fidin Madaxweyne Anwar Saadaat bishii January 1977 “si ay carruurta u korsato”, sida uu daabacay Al-Ahram.

Noolasheeda Israa’iil

Kadib markii cafiska loo fidiyay ayaa Inshiraax iyo wiilasheeda waxaa lagu wareejiyay Israa’iil, waxaana ay qaateen diinta Yuhuudda, iyadoo magaceeda u bedeshay “Dina Ben David”.

Korneyl Xaatim Saabir oo khabiir ku ah ka hortagga argagixisada ayaa bishii March 2018 u sheegay telefishin laga leeyahay Masar in Inshiraax ay rabtay inay ku soo laabato dalkeeda, maadaama ay noolal adag ku wajahday Israa’iil, balse ay codsigeeda ku gacan-sayrtay xukuumadda Qaahira.

Sheekada Inshiraax waxaa laga sameeyay filin taxane ah oo loogu magacdaray “The Fall in Beersheba”.

 

Leave a Reply