Yemen: Haweenayda isu Taagtay Badbaadinta Taariikhdii Dalkeeda

0
725

Kolkii ay yarayd, Harbia Al Himiary waxaa ay la yaabi jirtey qaab-dhismeedka waddankeeda Yemen. Meeshii ay ku dhalatay ee Sanca waxay ilaa yaraanteedii aad ula dhacsanaan jirtay dhagaxa xardhan ee lagu qurxiyay magaaladaas xilli hore, waxaana qayb ka mid ah caasimadda ay tirsata 2,500 oo sano.

Meeshan qadiimiga ah waxay dhiirigelisay Harbia. Hadda waa 37 jir, waxay gacan ka geysanaysaa dib u dhiska – qayb ka mid ah qorshaha Qaramada Midoobay halkaas oo ay sidoo kale tahay haweeneydii ugu horreysay ee injineer ah oo mas’uul ka ah mashruucan.

“Haweenku si joogto ah uguma biiraan goobtan shaqada,” ayay tiri. “Waxaan rabay in aan xirfadeyda gaar ka ahaado, oo aan ku biiro goob aan ku jebin karo caqabadaha jinsiga ee jira.”

Yemen waa bulsho rageed oo asalraac qoto dheer leh, halkaas oo haweenku aysan ka qaybqaadan qayb ka mid ah shaqooyinka, oo intooda badan ka shaqeeya beeraha, warshadaha adeegga ama ganacsiyada qoyska.

Intii ay dhallinyarta ahayd, Harbia arinkaas dib ayay u riixday oo waxa ay ku biirtay dugsi-caafimaad, laakiin laba toddobaad ka dib way ka tagtay oo waxay raacday hammigeedii ahaa inay samayso waxa ay maanta qabato.

Waxa ay iska diiwaan gelisay jaamacad si ay u barato injineernimada, laakiin uma sheegin waalidkeed ilaa booskeeda jaamacadda la xaqiijiyay. “Markii la horkeenay xaqiiqda ah in aan doortay xirfad kale, ma aysan diidin,” ayay xasuusataa. “Waxay arkeen inaan faraxsanahay.”

Burburkii ka soo gaadhay dagaalladii dalka ka socday, xaalufka deegaanka ee sii xumaanaya iyo dhaqaalihii oo burburay awgeed, saddex ka mid ah 52-ka goobood ee Dhaxalka Adduunka ee au diwaangashan hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhaqanka ee UNESCO ayaa ku sugan ‘khatar’ dalka Yemen.

Waxaana saddexdaas goobood ka mid magaalada Qadiimiga ah ee ay jeclayd Harbia ee Sanca iyo Masjidkeeda weyn, oo la dhisay Qarnigii 7aad oo caan ku ahaa inuu noqdo kii ugu horreeyay ee ka baxsan magaalooyinka islaamka barakaysan ee Maka iyo Madiina ee Sacuudi Carabiya.

Magaalada taariikhiga ah ee Zabid iyo magaalada qadiimiga ah ee Shibam ayaa sidoo kale lagu tilmaamay inay halis ku jirto, oo Harbia iyo kooxdeeda ay isku deyeyaan in ay si uun u gaadhaan oo u badbaadiyaan.

Mashruuca UNESCO ee shaqada ayaa horey u horseeday in dib u dayactir lagu sameeyo 162 dhismo oo ku yaal Sanca, Shibam iyo Zabid, iyo sidoo kale magaalada labaad ee Cadan.

Mid kale oo ka mid ah yoolalka mashruuca ayaa ah in la siiyo fursado dakhli oo mustaqbalka fog ah ilaa 4,000 oo dhallinyaro ah. Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, in ka badan saddex-meelood laba meel dadka Yemen oo 29 milyan ah ayaa da’doodu ka yar tahay 30 jir, laakiin illaa 2019 rubuc dhallinyaro ah ayaa shaqo la’aan ahaa.

Dhismayaashan ayaa la duqeeyay intii lagu guda jiray ololaha cirka ee uu Sacuudigu hoggaaminayo ee lixda sano socday ee ka dhanka ahaa dhaqdhaqaaqa fallaagada Xuuthiyiinta – taasoo ku qasabtay dowladda Yemen inay ka baxdo Sanca – oo ku danbaysay xaalad burbur.

Marka ay Harbia lix saacadood ka soo safartay Sanca ilaa Zabid, tusaale ahaan, waxay heshay guryo u adeegi jiray meelaha ay bulshadu ku kulanto oo aad u burbursan – darbiyada ayaa dumay, qaar saqafkii ayaa ka maqan.

Mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee ay la kulantay, ayay tidhi, ayaa ahaa helitaanka agabka loo baahan yahay si loogu soo celiyo dhismayaashan sidii ay ahaan jireen.

Sidoo kale waxaa jira walaac dhanka ammaanka ah oo ka dhashay dib u dhiska dalka oo ay colaado ka jiraan.

Isku-duwayaasha maxalliga ah waa inay la xaajoodaan kooxaha kala duwan si loo hubiyo in Harbia iyo kooxaheedu ay si badbaado leh u geli karaan goobaha.

Harbia mararka qaar waxa ay u isticmaashaa diyaarado aan duuliye lahayn si xogta u sawirto oo u baadho, laakiin goobaha dagaalka waxa uu ka dhigan yahay in loo baahan yahay ogolaansho si loo duuliyo.

Isticmaalka tignoolajiyada noocan oo kale ah oo sii kordheysa ayaa lala xiriirinayo dagaalyahannada, ka shaqeynta diyaarad aan duuliye lahayn, xitaa sababo aan waxyeello lahayn awgeed, waxay halis u tahay Harbia iyo kooxdeeda.

Waxa kale oo jirta abaar ka haysata helitaanka shaqaale tababaran, gaar ahaan kuwa ku takhasusay hababka dhisidda goobaha taariikhiga ah.

Halkii ay sugi lahayd, iyada qudheeda ayaa tababaraysa. Waxay maamushaa koox ka kooban 24 ilaa maanta waxay sidoo kale ka caawisay inay tababarto 211 injineero, nijaarro iyo khabiiro – qiyaastii kala badh ka mid ah waa dumar.

“Waxaan la yaabay tirada haweenka doonaya inay iska diiwaan geliyaan fursadahan tababarka ah, xilli dhaqan ahaan loo tixgaliyo inay yihiin shaqooyinkii ragga oo keliya,” ayay tidhi Harbia, oo xidhan cabbaayadeeda iyo niqaab – dharka ay xirtaan haweenka muslimiinta ah ee Yemen si ay u qariyaan gebi ahaanba jihkooda.

Waxa ay sheegtay in ay aad ugu faanto in ay gacan ka geysanayso ilaalinta muuqaalka magaalooyinka Yaman ee xilli ay isku deyeyso in ay manaafacaadsadaan jiilasha soo socda.

“In kasta oo ay jiraan caqabado iyo dhibaatooyin kala duwan, haddana shaqadani waxay i siinaysaa dareen farxadeed,” ayay tidhi. “In kasta oo dalka uu marayo xaalad kasta, waxaan awood u leeyahay in aan shaqadayda ku dadaalo sidii aan u ilaalin lahaa taariikhda iyo hiddaha dalkan”.

 

 

Leave a Reply