Hibada Caqliga Iyo Dadaalka Joogtada Ah!

0
430

sameeya. Thomas Adison oo ahaa ninkii soo saaray laambada laydhka waxa uu ahaa wiil yar oo su’aalo badan. Thomas markii lagu daray dugsiga hoose nasiib daro mudo badan kuma sii jirin dugsiga, Dhamaan casharada dugsiga loogu dhigo waa uu iloobi jiray sidaa daraadeed waxa uu noqday ardayga ugu saaqidsan fasalka.

Macalimiinta ayaa ka quustay waxaana ay ka tiriyeen inuu yahay qof  yar oo aan maskax ahaan naafo u ah.

D hamaan Ardayda iyo macalimiintuba waxa ay u arkayeen saaqid.   Muddo markii uu sidaasi ahaa ee uu isbedel keeni waayay maamulka dugsiga ayaa go’aamiyay in ay ka eryaaan waxbarashada dugsiga ka dib markii ay ku eedeeyen inu yahay mid caqli gaab ah oo ay tahay in la geeyo dugsiyada dadka naafada caqliga qaba. Maamulka ayaa warqadda erigiisa waalidkiisa loogu ogaysiinayo u dhiibay Arday Thomas iyagoo u sheegay in la eryay, hoodiina u geeyo warqadda. Wakhtigaasi waxa uu ku jiray fasalka saddexaad ee dugsiga hoose.

Thomas waxa uu u tegay hooyadii isagoo ooyaya. Waxaana uu dhiibay warqadda oo ay ku qorayd “Wiilkaagu waxa uu naafo kayahay caqliga, markaa dugsigann waan k erinay . Waxaad geysaa dugsiyada caruurta naafadda caqliga qaba”.

Markii akhriday waxa ay ku wiilkeeda ha ooyin, aniga ayaa wax ku baraya. Dadaalka ugu badan waxa gelisay hooyadii.

Markii uu toban sano gaadhay aabihii ayaa u keenay Buug cilmiga sayniska ah oo wagaasi la baran jiray. Waxaana u arkay guul madaama aqoontii saynis ee la gaadhay ku qorayd.

Thomas waxa uu samayn jiray tijaaboyin kala duwan, isagoo lacagtiisa ku iibsan jiray kolba qalabka uu u baahdo.  Qoyskooda oo sabool ahaa awgeed waxa uu goostay isagoo 12 sano jiray inuu shaqo ka dhigto jaraa’idka oo uu ku iibiyo Tareenka dhexdiisa.

Ujeedada ugu weyni ee uu laha waxa ay ahayd inuu si fudud u helo wargeysyo uu ka akhristo hadba waxa cusub ee  soo baxa ee cilmiga kala duwan ah. Tareenka dhexdiisana waxa uu ka samaystay shaybaadh gaar ah.

Tareenka ayaa maalin goob duqeeyay waxaana wada daatay agabkii kala duwanaa ee uu ku kaydiyay oo ahaa kimikada uu tijbaada ku sameeyo. Maamulka Tareenka ayaa arinkaasi ka cadhooday waxaana laga eryay tareenka, isla markaana waxa lagu amray in uu albaatiisana ku ka gurto.  Arday caqli gaabnimada dugsiga lagaga eryay waa Thoams Adson oo ah ninka ikhtiraacay laambada laydhka meel kasta ka ifaysay Caalamka maanta. Thoams waa nin Maraykan ah oo noola 1847- 1931. Isagoo ka weedho maangal ah oo badan sameeyay waxa uu yidhi marka uu ka hadlayo caqliga iyo waxtarkiisa, madaama isaga lagu eryay caqli yaraan: “Hibada  caqligu waa 1%, laakiin 99% waxa uu qofku ka gaadha dadaalka uu la yimado”.

»

Leave a Reply