Saboolka Dahabka La Jaarka Ah !

0
634

Weriye ka tirsan wargeyska Kuliyoum ayaa booqasho ku tegay dalka Maali si uu wax uga soo ogaado habka ay dadka Maali ula soo baxaan dahabka dhulkooda ku kaydsan. Xukuumadda dalkaasi ayaa u fasaxday in dadku dhamaantood ay la soo bixi karaan dahabka Dalka Maali ayaa ah dalka saddexaad ee qaaradda Afrika ee dahabka qaniga ku ah.

 

Dadka ayaa iskood u qota goobaha ay ku tuhmayaan inuu dahabku ku jiro iyagoo wakhti badan ku qaata. Dalka Maali waxa jir goobo ka ganacsada Dahabka oo markiiba ka iibsada dadka sita, inkasta oo ay badankoodu leeyihiin godad ay shaqaale uga sheqeeyaan.

Weriyaha ayaa sheegay inay yar yihiin dadka la soo baxa dahabka nadiiifta ah ee loo baahan iyagoo intooda badani aanay lahayn aqoonta waxay raadinayaan.

Waxa kale oo yaab noqotay in dhulka sidaasi hodanka ugu ah dahabka nooca qaaliga ay haddana dadkiisu yihiin kuwo ku jira dalalka dunida ugu saboolsan.

Leave a Reply