Naxariista iyo Caadifadda Xayawaanka!

0
752

Xayawaanku waa sida Aadamiga, waxay leeyihiin dareen diidmo iyo caadifadeed. Waxay leeyihiin dhiig iyo lafo iyo dareen muujinaya naxariisa iyo debecsanaan. Sida awgeed in loola dhaqmo si wanaagsan maxa yeelay Waa kuwo aad u xoog badan marka ay difaacayaan naftooda waa dareen ku abuuran arinkaasi.

Yaxaasku waa xayawaan aad halis u ah, waana xayawaanka leh qaniinyada ugu xoogga iyo xanuunka kulul noolaha Arlada ku nool inta la og yahay. Waa dilaa xariif ah oo leh khiyaamo farsamaysan, isagoo ku gaadaya oo aan haddana la dareemayn.

Dalka Costa Rica, nin kaluumaysta ah oo lagu magacaabo Sheito ayaa maalin la kulmay Yaxaas isha ka dhaawacmay ka dib markii nin beeralay ahi ku dhuftay. Sheito ayaa ku dawanayay gurigiisa Yaxaaska ilaa uu ka bogsaday mudoo dhowr bilood ah. Markii uu bogsaday waxa uu ku sii daayay webigii u dhowaa ee ku noolaa.

Dareenka caadifadda ah ee Yaxaasku u qabay ninkaasi ayaa xoogaysatay ilaa uu gaadhay in saaxiib la noqdo oo mar walba u yimaado isagoo webiga kula dabaasha. Webiga oo ay aad u adkayd in lagu dabaasho iyadoo cabsi laga qabao Yaxaaska ayaa u noqday mid fudud Sheito madaama uu saaxiib la noqday yaxaaaska xooggan ee lagu magacaabo Beiko.

Leave a Reply