Maalqabeenada u dalxiis tegaya Hawada sare oo soo kordhaya

0
480

Ganacsadaha reer Japan Yusaku Maezawa ayaa ka duulaya  xarunta hawada sare ee caalamiga ah (ISS), isaga oo ku biiray liiska Maalqabeenada sii kordhaya ee u dalxiisaya hawada sare.

Gantaal laga leeyahay Ruushka oo uu la socday Mr Maezawa ayaa ka dhacay garoonka Baikonur Cosmodrome ee dalka Kazakhstan.

Waxaa la filayaa in uu 12 maalmood ku sugnaado hawada sare, waana dalxiiskii ugu horreeyay ee ka duula saldhigga sannadihii u dambeeyay.

Safarka caanka ah ee Mr Maezawa waxa uu horu dhac u yahay ganacsiga  dayaxa ee sanadka 2023-ka.

Daahfurka Arbacadii ayaa la arkay Mr Maezawa oo ay weheliyaan duuliyaha  Ruush Alexander Misurkin iyo nin muuqaal sameeye aha Yozo Hirano, halkaas oo muuqaal YouTube laga qaadayey Bilyaneerka.

Mr Maezawa waxa uu soo maray barnaamij tababar adag ka hor intii aan la bilaabin barnaamijkaas, kaas oo ay ka mid ahaayeen in uu ku seexdo sariir qallafsan, in lagu dhex miiqayo kursi iyo in uu ciyaaro waqti dheer ciyaarta badminton , waxaana lagu duubay baraha bulshada.

Shir jaraa’id oo uu horay u qabtay Mr Maezawa ayaa ku sheegay in safarku uu ahaa “riyo rumowday”.

“Dadku waxay yeelan karaan rajo iyo riyo (marka ay arkaan taas) qofka caadiga ah ee aniga oo kale ah wuxuu geli karaa adduun aan la garanayn,” ayuu yidhi bilyaneerka.

Waxa uu ballan qaaday in uu qaban doono 100 hawlood inta uu ku jiro safarka ISS ee hawada, isagoo ka soo saaray liiska talooyinka ay dadweynuhu ku biiriyeen.

Waxay u dhexeysaa wixii la filayey, sida inuu soo bandhigo asxaabtiisa cirbixiyeennada iyo inuu tuso daawadayaasha sida ay noloshu tahay ISS; si aad u xiise badan sida ciyaarta golf-ka, afuufista xumbo, iyo tuurista diyaarad warqad ah.

Safarka Mr Maezawa oo la sheegay in uu ku kacayo lacag dhan $88m (£66m) ayaa daba socota safar gaaban oo uu bilyaneerkii Jeff Bezos ku tagay hawada sare iyo safarkii Richard Branson ee cirifka hawada sare ee horaantii sanadkan.

Waa kuma Yusaku Maezawa?

Ganacsadahan Jabbaan xirfadiisu waxay ahayd Eletaroonik. Durbaankana wuu tumi jiray. Wuxuu  aasaasay shirkad la yidhaahdo Start Today sanadkii 1998-dii oo iibisa CD-yo naadir ah iyo diiwaanno.

Ka dib waxa uu u door biday iibinta Dharka Moodada loo yaqaano  Zozotown oo uu ku iibiyo Online t2004tii, waxana uu noqday bilyaneer wakhtiga uu ku jiray badhtamihii da’da 30-meeyadii.

Majaladda Forbes ayaa ku tilmaamtay ninka 30-aad ee ugu taajirsan Japan, isaga oo hantidiisa lagu qiyaasay $1.9bn (£1.43bn).

Jacaylka Mr Maezawa ee socdaalka hawada sare ayaa ahaa mid si wanaagsan loo diiwaan geliyay sanadihii u dambeeyay.

Waxa sameeyay warkii  la shaaciyey 2019 kaas sheegayey in la  qorsheeyay in in shirkada  SpaceX, ay duulinayso dad u dalxiisi doona Hawada srae..

 

Leave a Reply