Haweeney 104-jir ah oo reer Hindiya ayaa 89 / 100- guulaysatay Imtixaanka Akhris-Qoraalka

0
533

Da’du inta ay doonto ha gaadho, kuuma diidayso inaad wax barato. Islaan 104 jir ah oo ka soo jeeda gobolka Kerala ee Hindiya ayaa si fiican u tusaalaysay taas.

Haweeneydan oo lagu magacaabo Kuttiyama ayaa ka yaabisay caalamka oo dhan ka dib markii Imtixaanka Akhris-qoraalka ee laga qaaday ay 100-kiiba ka keentay 89. Imtixaankaasi waxa uu ahaa kii dawladu qaaday. 

Koorasku wuxuu u dhigmaa waxbarashada Aasaasiga ah, waxaana lagu bartaa farbarashada, Akhriska iyo xisaabta.Waxaa loogu yeeraa “Saksharatha”, tijaabada waxaa lagu sameeyay panchayat Ayarkunnam ee Kottayam.

Kuttiyama oo aan weligeed Iskuul gelin waxa u suuragashay in ay dhibcihii ugu sareeyey ku guulaysato. Sakharatha Prerak Rehna oo caawiya dadka da’da ah waxay baratay sida wax loo qoro iyada oo xiisadaha soo xaadiraysa Subax iyo Fiidkii. Hadda Kuttiayamma waxay noqotay mid u qalanta inay qorto imtixaanka fasalka 4aad.

Haweeneyda da’da ah oo uu dhibayo maqalku da’da darteed, markii la billaabay Imtixaanka, waxa ay xasuusisay ilaaliyaasha in ay kor u hadlaan si aan waxba u dhaafin.

 

Wasiirka waxbarashada iyo shaqada ee Kerala, V Sivankutty, ayaa guusha Kuttiyama la wadaagay wuxuuna kaas oo bartiisa Twitter-ka soo dhigay isaga oo leh “Da’du caqabad kuma ah waxbarashada, wuxuuna guul u rajeeyey Kuttiyama iyo Ardayda ay isku da’da yihiin ee ay wax wadda bartaan.

Kuttiyama waxay guursatay iyada oo 16 jir ah Ninkeedii TK Konthi waxa uu geeryooday 2002, waxay dhaleen shan carruur ah waxay hada la joogtaa wiilkeeda curad. Shabakadda internetka ayaa iyaguna aad u dhiirigeliyey guusha haweeneyda.

Leave a Reply