- Qofku laguma canaanto saboolnimadiisa waayo arinkaa wax awood ah kuma laha, laakiin waxa lagu canaanta af xumadiisa iyoakhlaaqdiisa khariban
- Tuugu wuxu ka xadaa alabta laakiin beenaluhu wuxu ka xadaa Maskaxda
- Cadaanka macanihiius maaha qurux waayo Kafantuba waa cadaan, Madawgu laftiisuna maaha foolxumo waayo dhagax kacbaduba waa madow.
- Qofka quruxdisa ma aha muuqaalkiisa iyo sida u muuqdo, quruxdiisu waa akhlaaqda
- Hadii codka dheer rag lagu noqon lahaa Eyguna wuxu noqon laha Madax
- Haka werwerin waxay dadku kugu sheegayaan waayo waxaad tahay aadame gef badan.
- Ma jeclid in qaladka kaa dhaca in laguu saxo si adag. Adiguna iska jir arinkaasi.
- Wakhtig tegay iyo mustaqbalku waxay isugu eeg yihiin si ka badan siday isu eeg yihiin dhibcaha roobka”. Xikmadahaqoraalada caalimka Abu-Zaid, A/rahman Ibnu khaldun