Wefti ka socda DDS oo lagu soo Dhaweeyay Marsada Berbera

0
865
Hargeysa (Dawan) Maareeyaha dekaddaha Somaliland, mudane Siciid Xasan Cabdillaahi, ayaa maanta xarunta dekadda Berbera ku soo dhaweeyay, wafti uu hoggaaminayay wasiirka wasaaradda horumarinta maalgashiga, kuwaas oo ka socday DDS, isla markaana uu horkacayay wasiirka wasaaradda ganacsiga.
Maareeye Siciid waxa uu sidan ku sheegay war qoraal ah oo ku baahiyay bartiisa xidhiidhka bulshada ee Facebook.
Waxaanu yidhi.”Waxa maanta aan ku soo dhaweeyay dekedda caalamiga ah ee Berbera, wefti uu hoggaaminayay wasiirka wasaaradda horumarinta maalgashiga Somaliland, kuwaasi oo ka socday dawladd degaanka Somaliland, isla markaana uu horkacayay wasiirka wasaaradda ganacsiga.
Warbixin baannu ka siinay weftiga horumarinta lagu sameeyey Dekedda Berbera, gaar ahaan dhinaca Qalabka iyo horumarinta adeegyadda kala duwan ee ay bixiso Dekedda Berbera.”

Leave a Reply