Xikamada!

0
839

Xikamada!

  • Naftaada u sheeg inaad wax qabsan karayso, laakiin waa inaad taqaan waxaad qabsanayso, hadafka aad leedahay dariiqa ugu dhow iyo wakhti cayiman inaad u samayso.

 

  • Guushu sugid kuma timaado, doonid ayay ku timaadaa. Waligaa ha sugine ee u dhaqaaq dhinaceeda. Mar kasta oo caqabadaha ka hor imanayaa kordhaan waa markasta oo waayo araganimadaada iyo awoodaadu  ay xoogaysanayso. Furaha guuldaraduna waa adigoo isku daya inaad qof kasta raali geliso.

 

  • Markaad faraxsan tahay ha balan qaadin, markaad cadhaysan tahay ha jawaabin, markaad murugaysan tahay go’aan ha qaadan.

 

  • Deegaanka aad ku nooshahay hakaga baxsan dhibaato jirta, isku day inaad xalisho, waayo halka aad tagaysaana dhibaato kale ayaad ugu tegaysaa laga yaaba in iyada ka weyn tahay.

Leave a Reply