Dad cadhaysan oo gubay Nin reer Sri Lanka oo la sheegay inuu Diinta Aflagaadeeyey

0
365

Kooxo reer Pakistan oo abaabulan ayaa Jimcihii Pakistan ku dilay nin u dhashay Sri Lanka oo lagu eedeeyay inuu aflagaadeeyay Diinta Islaamka. Ninkan oo ka shaqaynayey Wershad ku taal Pakistaan waxa dilkiisa cabaareeyey hoggaamiyaha Pakistan.

Priyantha Diyawadanage, oo 48 jir ah, maamule warshadeed oo ku taal magaalada Sialkot, ayaa la garaacay ilaa uu ka dhintay, meydkiisana la gubay.

Muuqaalo ku saabsan dilkiisa ayaa ku baahay baraha bulshada dhammaadkii isbuucii hore, waxaana ay soo tuseen muuqaallada dadka cadheysan oo Mr Diyawadanage ka jiidaya goobtiisa shaqada oo garaacaya.

Waxaana la arkayay dhowr qof oo ka mid ahaa dadkii goobta isugu yimid oo meydkiisa sawiro iskaga qaadaya.

Rabshadahan ayaa billowday kadib markii  faafeen warar sheegaya in Mr Diyawadanage uu ku kacay fal aflagaado ah, oo uu ku jeex-jeexay boodhadhka Nabi Muxamed NNKH, Amaanaya. Balse saaxiibkiis oo u soo gurmaday goobta si uu u badbaadiyo ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AP ee Pakistan in Mr Diyawadanage keliya uu boodhadhka meesha ka saaray xili dhismaha la nadiifinayo.

Xaaskiisa Nilushi Dissanayaka, ayaa sidoo kale beenisay sheegashada cayda.”Gabi ahaanba waan diiday wararka sheegaya in ninkaygu uu jeexjeexay boodhadhka warshadda, wuxuu ahaa nin aan waxba galabsan,” ayay u sheegtay BBC-da.

“Ninkaygu wuxuu uu aad ula socday xaaladda nololeed ee Pakistan, waa waddan Muslim ah, waxa uu garanayay waxa ay tahay inaanu halkaas ka samayn, sidaas darteedna wuxuu ku guuleystay inuu ka shaqeeyo halkaas muddo kow iyo toban sano ah.”

Aflagaadada Diintu waa ka xaas-xasi Pakistan, halkaas oo xitaa eedeymaha aan sal iyo raadka lahayn ay hurin karaan mudaaharaadyo iyo rabshado ka dhan ah dembiilayaasha lagu eedeeyay. In ka badan 100 qof ayaa ilaa hadda la xidhay, ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Pakistan Imran Khan.

Xaaskiisu waxay ugu baaqday labada dowladood ee Pakistan iyo Sri Lanka inay sameeyaan baadhitaan buuxa si ” cadaaladda loo horkeeno ninkeyga iyo labadayda caruur ah”.”Waxaan arkay in isaga lagu weeraray internetka… waxay ahayd mid bini’aadantinimada ka baxsan,” ayay tidhi.

Baaxadda dilkii foosha xumaa ee Jimcihii – oo ay ku lug lahaayeen boqollaal qof – ayaa argagax geliyay qaranka. Raiisel wasaare Imran Khan ayaa cambaareeyay “weerarka abaabulan ee naxdinta leh”.

Wuxuu sheegay inuu sidoo kale la hadlay madaxweynaha Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa “si aan u gaadhsiinno cadhada qarankeena iyo ceebaha dadka Sri Lanka.”

Maamulka Sri Lanka ayaan weli si buuxda uga hadlin kiiskan, iyaga oo ka baqaya qalalaase iyo aargoosi ka dhan ah bulshooyinka Muslimiinta ah ee deegaanka.

Meydka Mr Diyawadanage ayaa Isniintii ah dib loogu celiyey dalka Sri Lanka, waxaana dadka qaar ay filayaan in mudaaharaadyo lagu qabto caasimadda Colombo.

 

 

Leave a Reply