Xuska maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamaha oo Hargaysa lagu qabtay

0
507

Hargeysa (Dawan) Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka ayaa xaflad loogu dabaaldagayo maalinta xuquul insaanka adduunka ku qabtay magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha  Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka Somaliland Maxamed Baaruud Cali, ayaa sheegay in maalintani ay tahay maalin caalami ah oo aduunkoo dhan laga xuso, waxaanu intaasi raaciyay in munaasibadan lagu qiimaynayay waxa uu qabsoomaysay sananadkani, islamarkaana ay halkaasi kasii wadi doonaan dadaalka ay ugu jiraan shaqada qaranka.

Waxaa kale oo uu intaas ku daray in xuska maalintan adduunka oo dhan laga xuso.

Agaasimaha fulinta komishanka xuquuqal iinsaanka Qaranka Somaliland, Cabdisamad Sacad Xasan, ayaa sheegay in ay iska xilsaareen sidii ay lacago ugu ururinlahaa dadka daymaha madaniga ah ugu xidhan jeelasha dalka.

Munaasibadan oo ayay ka soo qayb galeen, madaxda saddexda xisbi Qaran, ururada bulshada rayidka ah, dadka aan laxaadkoodu dhammeyn, madaxda iyo masuuliyiinta koomishanka xuquuqal iinsaanka Qaranka, shaqaalaha iyo marti Sharaf kale.

Agaasimaha fulinta komishanka xuquuqal iinsaanka Qaranka Somaliland, Cabdisamad Sacad Xasan oo ugu horrayn ka hadlay munaasibada maalinta xuquuqal aadamaha ayaa si qoto dheer uga waramay waxyaabihii u qabsoomay iyo waxa u qorshaysan waxaanu yidhi.“Illaalinta xuquuqda aadamaha cidkasta waxa ka saran xuquuq wadareed la wada leeyahay.

Koomishanka xuquuqal iinsaanka Qaranka Somaliland, waxa uu kormeera ilaaliya dabagala arrimaha kala duwan ee xuquuqal iinsaanka, goobaha koomishanku kormeerka ku tago waxa ka mid ah xabsiyada, saldhigyada, hannaanka cadaalada qaybaheeda kala duwan iyo arrinkasta oo uu arko inay tahay tacadi xuquuqal iinsaan.

Arrinta maanta ugu weyn ee aanu xabsiyada dalka ku soo aragnay waxa kow ka ah ama dadka jeelasha ugu jira xuquuqaadka madaniga ah, ee uu ka dhammaaday xadhigii taas oo ah xuquuqdii waxaanu koomishanka xuquuqal iinsaanku waxa uu iska xilsaaray sidii uu lacago ugu ururinlahaa dadka daymaha madaniga ah ugu xidhan jeelasha dalka, waxaa kale oo aanu qabanayo kulamo xal loogu raadinayo maxaabiista jeelasha ugu jirta daymaha.

Komishanku waxa uu sannadkan bilaabay siyaasada qabya’qoraalka guud ee uu yeelanayo ee xuquuqul iinsaanku yeelan doono, taas oo waddanku yeelan doono siyaasad guud oo ka hadlaysa arrimaha xuquuqal iinsaanka Qaranka Somaliland.

Waxyaabaha kale ee noo qabsoomay waxa ka mida tabbabarada koomishanku siyo laamaha booliska, garsoorka iyo xeer ilaalinta.

Waxa kale oo komishanku qayb ka yahay qabyo qoraalka xeerarka golayaashu gacanta ku hayaan, sida xeerkii kufsiga oo kale oo uu qayb weyn ku leeyahay sidii loo sixilahaa.

Sidoo kale komishanku waxa uu qabta kulamo saddex biloodle ah oo lagu gorfeeyo hadba xaalada loo arko inay taagan tahay.

Halku’dhiga sannadkan la isla qaatay waxa uu yahay sinaanshiyaha in la sinaado, bulshaduna u sinaato cadaalada.

Waxa aanu u soo jeedinayna dhammaanba qaybaha kala duwan ee hay’addaha dalwadda in hoos loo eego in loo sinaado arrimaha dhaqaalaha, arrimaha fursadaha jira, iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshadu leedahay, in siyaasad kasta oo la fulinaya ay ka madhnaato takoorka iyo sinaan la’aanta, ahna ta aynu horumar buuxa ku gaadhi doono in aynu qaado haddii ILLAAHEY yidhaaho”

Wasiirka wasaaradda dastuurka iyo xidhiidhka golayaasha Qaranka mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa masuuliyiinta koomishanka xuquuqal iinsaanka ku boggaadiyay in dhammaan gobollada dalka ay xafiisyo ka furtaan.“Masuuliyiinta komishanka xuquuqal iinsaanka Qaranka Somaliland, dhammaantood waan ku boggaadinayaa  in gobollada dalka oo dhan ay ka furtay xafiisy.

Guddoomiyuhu isaga ayaa tacadiyo badan soo maray oo in badan aynu taariikhdiisa og nahay, oo garan karaya qofka lagu tacadiya taageerada iyo hiilka uu cadaaladda uga baahan yahay, sidaasi darted isaga iyo hay’addiisuba bulshada waa ay u dadaalaan.

Waxaa aynu wada jir u qabanayna qofkasta xuquuqdiisa in la ilaaliyo, gaar ahaan dadka nugul,”

“Waxaad mooda in cadaaladdii aynu iska ilownay oo xooga uun aynu saarnay nabadgelyada, wasaaradda cadaaladda haddii aad aragtid Bajadkeedu waxa uu ka mid yahay bajadada ugu yar dalka, nabadgelyada meel fiican ayaynu ka gaadhnee sannadahan wixii ka danbeeya in kor loo soo qaado cadaaladda, si qofkastaaba cadaaladda uu xaqa u leeyahay uu u helo.

Siyaasada haddii aanad qayb ka ahayn wax badan oo aad xaq u lahayd ayaanad helayn, waxa jira shuruuc badan oo dadka naafada ah takoora, sida doorashooyinka oo kale, dastuurkeenu waxa uu odhanaya qofka doonaya in golayaasha sharcidejinta xubin ka noqdo waa in uu jidh ahaan iyo maskax ahaanba fayow yahay, waynu garanayna haddii aanu qofku maskixiyan dhammeyn kolay arrimaha siyaasada ma danaynayo, balse qofka sidaydan oo kale ah ama dadka kaleba xuquuqda bulshada kale leeyihiin ayuu leeyahay, waxaanu xaq u leeyahay in la doorto iyo in uu wax doortaba, waana xuquuq dastuurku dadka naafada ah iyo kuwa aan naafada ahaynba uu si siman u siiyay.”Ayuu yidhi guddoomiye ku xigeenka ururka dalada naafada SDF Cismaan.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay in komishanka xuquuqal iinsaanku si aan gabasho lahayn, isla markaana aanay cid ku raaligalinayn ooo daahfuran ay warbixintooda u soo gudbiyaan, waxaanu yidhi. “Waa hay’adda kaliya ee dawladdeed ee aanu ilaa hadda qiri karo inay shaqadeedii ka soo baxday.

Waxa aanu qirayna in si aan gabasho lahayn oo cid ku raaligalinayn ay warbixintooda oo daahfuran u soo gudbiyaan, waxanu haddii ILLAAHEY yidhaaho sugayna warbixintoodii sannadkan.

Qofkasta waa in uu ixtiraamo shuruucda iyo wixii la faray ee xuquuq ah, ama waajibaad ah ee saran, lagana sugayo qofkasta in uu ixtiraamo.

Annaga wixii naloo soo jeediyo ee qalad ah waanu isu soo istaagaynaa, waanu ka garaabaynaa, waanu saxayna diyaar ayaanu u nahay, qofkasta waa raaci waxaana lagala xisaabtamaya masuuliyada la saaray, xisaabtanka xadiisku tilmaamay waa ka aakhiro, curfiga aadamuhuna waxa uu keenay in la iskula xisaabtamo oo ay jiraan,”

Guddoomiye Maxamed Baaruud oo isna munaasibadaasi hadal kooban ka jeediyay waxaa uu yidhi. “Maalinta xuquuqal iinsaanku waa maalin caalamiya, waana markii Jimciyada Quruumaha la aasaasay, layskuna raacay.

Ujeedada aanu xuskan u qabanaana waa isla xisaabtan, ah ma dib u dhac ayaynu sameynay mise horumar.

Bini’aadamka ALLE ayaa wada karaameeyay, dadka lama kala socon, haddii uu naafo yahay iyo haddii kaleba, karaamada ALLE karaameeyay in ciddina ka qaado bini’aadamka ma wanaagsana”

 

 

 

Leave a Reply