Dareenka Iyo Xawaaraha Jawaabta!

0
561

 

Saxaabiga Xudayfa Binu Yaman aya yidhi waxa ii yeedhay Rasuulka Allah (scw) habeenkii duulaankii Axsaab ee Isbahaysigii Gaaladu ku soo qaadeen Madina, waxaana  uu ii diray inaan soo ogaado ciidankii gaashaanbuurta gaalada warkooda oo fadhiyay duleedka Madina. Waxay ahayd habeen aad u qabow oo dabayl badan oo qofn aanu garanayn, midka dhiniciisa fadhiya.  Abu- Sufyaan oo ahaa hogaamiyhii ciidanka  Qurashta  isla markaana ahaa :“ Caawa war ayan idiin sheegayaa, qof kasta ka ag fadhiya ha iska hubiyo inuu yahay basaas inagu dhex jira iyo in kale”.

 

Xudayfa (rc) ayaa yidhi anigu markiiba ninkii I ag fadhiyay ayaan kaga horeeyay oo ku bilaabay  “ waar adigu kumaad ahayd”?, ka dibna isagoo shakisan oo is beri yeelaya ayuu igu yidhi: “ waxaan ahay in hebel hebel”.  Sidaasi ayaan habeenka ku badbaaday hawshaydiina usoo dhamaystay oo ku soo noqday Rasuulklka (scw) iyo ciidanka saxaabada, anigoo nabad qaba oo weliba soo gaadhsiiyay warkii Abu-Sufyaan iyo ciidankiisa.

Leave a Reply