Badhasaabka Gabiley Oo Soo Kormeeray Degaamadda Agabar iyo Caadda

0
310

Agabar (Dawan): Wefti uu hogaaminayay badhasaabka gobolka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa safar shaqo ku tegay deegaamadda Agabar, iyo Caadda oo ku yaalla Woqooyiga gobolka Gabiley.

U jeedadda safarkaasi shaqo ayaa la xidhiidhay kormeer iyo u kuur-galka xaaladaha guud ee nolosha bulshadda iyo mashaariicda dawladda ka waddo deegaamadaasi.

Badhasaabka Gabiley iyo weftigan uu hogaaminayo ayaa safarkoodda ka bilaabay degaanka Caadda, isagoona badhasaabku halkaasi kula hadlay dadweynaha deegaankaasi oo si weyn u soo dhaweeyay.

Badhasaabka ayaa sheegay inuu aad uga maqsuuday mashaariicda kala duwan ee hannaanka isku-tashiga bulsho lagu hirgelliyey iyo kuwa baaxadda leh ee xukuumadda Somaliland ay ka hirgellisay degmadan Agabar ee ku taala Wadadda dawga Cad ee loo marro dalka Jabuuti.

Waxaanu badhasaabku xadhiga ka jaray mashaariic kala duwan oo laga hirgeliyay deegaamadii uu kormeerka shaqo ku soo maray ee Agabar iyo Caadda.

Geesta kale badhasaabka Gabiley iyo weftigiisa ayaa markii ay gaadheen degaanka Agabar, waxaa halkaasi si balaadhan ugu soo dhaweeyay qaybaha kala duwan ee bulshadda.

C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa hadal u jeediyay dadweynihii kala duwanaa ee soo dhaweeyay weftigaasi uu hogaaminayay degmadda Agabar.

Badhasaabka Gabiley ayaa uga mahad celliyay maamulka degmada Agabar iyo dhammaan qaybaha kala ee bulshada degmada Agabar, si meeqaam sare leh ee ay u soo dhaweeyeen isaga iyo weftigiisaba.

C/qani Jiidhe, waxa kaloo uu intaas raaciyay inuu rajaynayo in degmada Agabar iyo guud ahaan degmooyinka gobolka Gebilay in sannadka cusub ee dhawaan dhallan doono ee 2022-ka in mashaariic  horimarineed laga fulin doono.

Leave a Reply