Madax Dhaqameedka Sool Oo Soo Dhaweeyay Furista Ururadda Siyaasadda

0
379

 

Laascaanood (Dawan): Madax dhaqameedka kala duwan ee gobolka Sool ayaa si aad u weyn u soo dhaweeyay una taageeray furista ururadda siyaasadda oo ay isla todobaadkan ku dhawaaqday xukuumadda Somaliland.

Qaybaha kala duwan ee madax dhaqameedka Sool, oo shalay warbaahinta kula hadlay magaaladda Laascaanood waxay sheegeen in furista ururadda siyaasadda ee ay xukuumadu ku dhawaaqday in ay ku soo aaday wakhtigii loo baahnaa.

Madax dhaqameedka gobolka ayaa sidoo kale xukuumadda madaxweyne Biixi, ku bogaadiyay in ay ku dhawaaqdo furista ururadda siyaasadda, oo ay ku tilmaameen in ay fursad u tahay bulshadda Somaliland guud ahaanba gaar ahaana gobolka Sool.

Waxaanay xubnahanaasi madax dhaqameedka ah ku tilmaameen furista xiligan ee ururadda siyaasadda Somaliland mid muhiimad weyn oo siyaasadeed iyo faa’iida ba u leh dalka. Iyagoona tallaabadaasi ku bogaadiyay xukuumadda uu hogaaminayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Xubin ka mid ahaa oday dhaqameedkii shirkaasi jaraa’id ka hadlay waxa uu yidhi, “Waan soo dhawaynaynaa, maanta haddii la yidhi ururadda hala furro. Markii hore saddex xisbi ayay ku koobnaayeen. Maanta beelaha Somaliland cidii xisbiyadda wax ka tabanaysay, cid waliba mabaa’diidoodda iyo xisbiyadoodda, iyo hadafkoodda ay cadaysanayso.

Haddaanu gobolka Sool nahay, iyo degaamadiisa, shacabka, waxgaradka, cuqaasha, iyo culimaba, waanu ayidsan nahay, waanan soo dhawaynaynaa”.

“Nidaamka ah in la furro ururadda siyaasadda ee xeer LR.14, waanu soo dhawaynaynaa haddaanu nahay, dadweynaha gobolka Sool. Waxaana ka dhalanaya cadaalad, iyo in dawladnimadda Somaliland uu wada gaadho dalkoo dhan.

Waan soo dhawaynaynaa, aad iyo aad baanan u soo dhawaynaynaa kelmadda ah in ururadda siyaasadda la furro. Waxaanan ku taageeraynaa si mug iyo miisaan ba leh” ayuu yidhi mid ka mid ahaa madax dhaqameedkii halkaasi ka hadlay.

Sidoo kale mid ka mid ahaa madax dhaqameedkii shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa yidhi sidan,   “Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ururadda aad ku dhawaaqday in la furro, waanu soo dhawaynaynaa, haddii aanu nahay shacbiyadda gobolka Sool”.

Odayga gadhka Cad, “Waxaan salaamayaa madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, oo maanta soo gaadhsiiyay gobolka Sool, Sanaag barri, iyo Cayn, in ay xisbiyadii ay awal ka maqnaayeen loo furro. Dadka na cadaalad loo wada gaadhsiiyo, madaxweynaha waan ku hanbalyaynaynaa, inuu cadaaladda sidaa u sii waddo”.

Geesta kale waxaa isna halkaasi oday dhaqameedkii ka hadlay ka mid ahaa, “Muuse Biixi Cabdi, madaxweynaha Somaliland xisbiga uu yahay baanu la nahay, oo ay dadweynaha reer Laascaanood ay isugu yimaadeen.

Furista ururadda siyaasadda ee ay xukuumadu ku dhawaaqday, ee la leeyahay lama furi karro, waa in weliba xisbiyadda siyaasadda la soo badiyaa, oo weliba aanu ka qayb gal naa. Waana in aanu weliba ka qaadanaa qaybta nagu haboon”.

Leave a Reply