Caadifadda Maxaa Dhaliya, Ee Keena?

0
490

adamigu wuxu kaga duwan yahay xayawaanka kale caqliga oo marka si wanaagsan looga faa’iidaysto gaadha go’aamo muhiim oo duruufaha taagan lagag gudbo. Marka uu go’aan gaadhayo caqli shaqaynayaa wuxu adeegsada macluumaad iyo warbixino muhiim ah oo uu helay. Xaaladaha muhiimka ah caqligu haduu shaqayn waayo waxa halkiisa gala caadifadda oo ku dhisan xaasidnimo, been, cunsuriyad, islaweyni iyo mala awaal aan xaqiiqo ahayn.

Waxaana caadifadda oo aanu caqligu xakamayni keenta guuldaro uu mar danbe qofka adeegsaday garto khaladkiisa. Caadifaddu waxay ka dhalataa jawi la galay oo ay si aan ka fiirsi lahayn uga jawaabto, caqliguse xaalad kasta wuu miisaamaaya oo qiimeeya ka dibna ka jawaaba.

 

 

Leave a Reply