Dareenka Nimcadu Waa Baahida!

0
705

Nimac kasta waxa dareemaya waxtarka ay leedahay qofka aan haysan, tusaal ahaan qofka indhoolaha ahi waxa uu dareemaya nimcada Aragga, dhegoolku waxa uu dareemaya nimcada maqalka. Qofka ku soo dhashay isagoo dareemayaashu u dhan yihiin ee marna baahi u qaban si weyn uma dareemayo nimcooyinkaasi.

Nin ayaa muddo badan Allah (sw) ka barayay inuu siiyo gabadh wanaagsan oo uu guursado, mar danbe ayuu guursaday gabadh.   Muddo markii uu qabay ayay aad ugu xumaatay , laakiin ma niyad jabin oo baryadiisa ayuu sii waday isagoo u adkaysanayay dhibteeda.

Isagoo weli xaaladaasi adag ku jira ayaa markii uu sanad qabay ka codsatay inuu iska furo, isaguna wuu ka  aqbalay , markii uu furay ayuu dareemay culayska ka degay.

Muddo yar ka dib wuxu haddana guursaday gabadh kale, waxay ahayd mid astaamihii uu Allah (sw) weydiistay oo dhan wada leh, iyadoo weliba intii Allah uu weydiistay ay ka sii badnaayeen sifaadka aya lahayd.   Markii uu arkay wanaageed ayu si fiican u xejistay oo uu dareemay in ducadii laga aqbalay iyo nimcada gabadha wanaagsan.  Waa xikmadah Allah (sw) , haddii aanu gabadhii hore soo arag may dhacdeen inuu dareemo wanaagga gabadhan danbe, waxay ahayd tababar Allah siiyay. Weliga ducda iyo beryada Allah haka quusan hana joojin.

Leave a Reply