Caruurta Arbacada Dhalata 60% Waa Cadow!

0
608

Dalka Gini ee galbeedka Afrika waxa degan qabiilka lagu magacaabo “Ashaanati” , qabiiladani waxa ay caado u leeyihiin in ubadka u dhasha ay u bixiyaan magaca maalinta uu dhashay waxa ay ka aaminsan yihiin.  Tusaale ahaan haddii uu dhasho maalinta Axadda oo ay ka aaminsan yihiin in ay tahay maalinta naxariista, waxa loo bixiya  “(kalgacal iyo naxariis)”, ilmaha dhasha maalinta Arbacada oo ay ka aaminsan yihiin in ay tahay maalin cadow ah, waxa ay u bixiyaan “Garadane ama Cadow”.  Maalin kasta oo toddobaadka ah waxa ay leeyihiin astaan u gaar ah, taasi ayaana ubadka maalinta dhasha loo bixiyaa.

Sida uu ku qoray qoraaga Anwar Cadiya buugiisa “ Jamhuuriyatu yaa’is” waxa uu yidhi: Waxa aan la saaxiibay nin lagu magacabi jiray (Akwasi) oo u dhashay dalka Guinea, Akwasi-na waa tmagaca maalinta Axadda, Waxaana ay ka dhigan tahay (kalgacal iyo naxariis), xaqiiq waxa uu ahaa mid aad u naxariis iyo kalgacal badan. Waxa aan weydiiyay magacyada qabiilkooda waxaana uu ii sheegay magacayada ay leeyihiin oo ay ka mid ahaayeen kiisa iyo (Kwaku) oo isna loo bixiyo qofka dhasha maalinta Arbacada oo ay ula jeedaan ( Gardarane iyo shar badane).

Haddaba waxa yaab noqotay in baadhis la sameeyay la ogaaday in dalka Gini 60% dadka denbiyada galaa ay yihiin kuwa loo bixiyo magaca  (Kwaku ama Cadow, Gardarne).  Dalkan waxa aad ku arkaysaa hooyo xaamilo ah oo Allah ka baryaysa in aanu ilmaheedu dhalan maalin Arbaca ah. Hooyada dhasha maalinta Arbacada reerku waxa ay ku yidhaahdaan: “ La yaab ma leh, adiga ayaa asal ahaan dhashay Arbacada , waxaad tahay mid shar badan oo garadaro badan.

Khubarada cilmiga bulshadu waxa ay sheegeen in sababtu ay arimahani isu wafaqayaan aanay ahayn mid ay saamayn ku leeyihiin magacyadu, laakiin ay hab dhaqanka xun ee uu aaminsan yahay waalidku ay tahay. Fikirka xun ee ah in uu ilmuhu noqonayo cadow ama naxariis badane, waa mid maskaxda caruurtu xafidayso oo weliba aaminayso, taasi oo keenay inuu isu haysto mid shar loo abuuray oo wax dil iyo cadow ah, ama mid naxariis badan loo abuuray oo uu noqonayo mid qof kasta u naxariista. Waxa ay bulshadani iska ilaaliyaan qofka dhasha Arbacada xataa in ay qoyskood jaar la noqdaan

Sheekada waxa laga baranaya in waalidku asal u yahay fikradda uu ubadkiisa uu ku dhex beero ha ahaado mid xun ama mid wanaagsan.  Tusaale ahaan haddii aad ilmahaaga ku celceliso weedha ah “ Doqon yahow” ilmaha weedhaasi maskaxdiisa ayay ku waarta ilaa uu aamino inuu nacas yahay oo aanu dadka kale la mid ahayn. Erayada wanaagsan ama khariban ee waalidku ilmaha saamayn ayay ku yeeshaan , waana kuwaasi ku dhibka ku haya bulshooyin badan oo caalamka ku nool oo ay ku mid yihiin kuwa reer Gini ee aaminsan ilmaha Arbacada dhashaa in aanu weligiiba wanaag lahayn ee shar badan yahay. Ilmahaaga ku abuuro akhlaaqda islaamka ee toosan iyo in mustaqbal wanaagsani jiro, kana ilaali weedhaha aan miyirqabka ahayn ee waalida iyo quusta ku riixiya. ( Kitaabka Jamhuuriyatu Yaa’isiin) Qoraa: Anwar Cadiya.

 

Leave a Reply