Dhaarta Iyo Nasteexada Beenta Ah!

0
878

Waxa dhacda in marar badan aad hesho talooyin waano laguu soo jeedinayo, oo xataa mararka qaarkood dhaar  lagu adkeeyo. Waxase kula gudboon in aad nastexo kasta iyo talo kastaba ay noqoto mid waafaqsan diinta,  hadii ay noqoto mid ka hor imanaysa diinta , maaha talo laakiin waa dagniin iyo in dhibaato loogu horseedayo.

Ibliisku waxa uu ugu dhaartay Nebi Aadam iyo Xaawa inuu u yahay nasteex iyo mid talo wanaagsan siinaya, isagoo weliba nasaxadiisa ku adkeeyay Dhaar. Nebi Aadam (s) iyo Xaawa maa ay  aaminsanayn in Noole been ugu dhaaranayo Allah (sw), laakiin Ibliis waa uu u badheedhay samaynta naseexada beenta ah iyo dhaarta beenta. Taladiisu waxa ay ahayd in ay cunaan Geedka Allah (sw) uga digay in ay u dhowaadaan . Waxa uu u sheegay inuu yahay geedka haddii  ay cunaan ay waarayaan magaciisana waa uu qurxiyay isagoo ugu sheegay  “ Geedka Waaridda” . Magacuna maaha xikmadda Allah (sw) uga reebay inay u dhowaadaan. Waa in aynaan ku degin magacyada si kasta oo ay isu bedelaan.

Haddaba maanta dariiqa Ibliis ku dagay Aadam iyo Xaawa, waxa ku dhex faafinya caalamkan Ibliisyada sebenkan oo magacyo wanaagsan uu bixiyay xumaanta. Waxaana ka mid ah in ay yidhaahdaan:

  • Khamrigu waa sharaabka nafta
  • Qaawanidu waa Moodada casriga ah
  • Macaasidu waa ilbaxnimo
  • Sinadu waa furfurnaan.

Waa in aynaan ku degin magacyada si kasta oo ay isu bedelaan.

(Kitaabka Risaa’il) Qoraaga: Sharqawi, Bogga 16)

 

Leave a Reply