Wasiirka Deegaanka iyo Wefti Ka Socday Maraykanka Oo Kormeeray Xarunta Xaanaynta Harimacadka Hargaysa

0
631

Hargaysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, agaasimaha haayadda CCF iyo wefti ka socday dawladda Maraykanka ayaa shalay kormeeray xarunta xanaanaynta Harimacadka ee magaaladda Hargaysa.

Wasiir Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, waxaa soo dhawaynta weftigaasi iyo kormeerkaasi ku wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaradaasi C/kariin Aadan Cadde, iyo agaasimaha waaxda duur joogta ee wasaaradaasi C/naasir Xuseen Siciid.

Sidoo kale waxaa soo dhawaynta iyo kormeerka xarunta Harimacadka qayb ka ahaa masuuliyiinta haayadda CCF, oo ay ka mid ahayd agaasimaha haayadaasi Dr. Laurie Marker, iyo xubno kale.

Weftigani ayaa ka socday dawlada Maraykanka gaar ahaana xubno ka mida gudidda Arrimaha Dibada baarlamanka Maraykanka, kuwaasoo booqasho shalay ku yimid caasimadda Somaliland ee Hargaysa.

U jeedadda socdaalka ay Somaliland ku yimaadeen weftigan ka socday waaxda arrimaha dibadda ee baarlamaanka Maraykanka ayaa la xidhiidha sidii ay Somaliland gaar ahaana wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda ugala shaqayn lahaayeen  mashaariicda ilaalinta iyo daryeelka duur joogta iyo deegaanka.

Waxaanay wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, iyo masuuliyiin ka socday haayadda CCF, iyo weftigan ka socday Maraykanka kormeer ku tegeen xarunta xanaanaynta Harimacadka ee magaaladda Hargaysa.

Xarunta xanaanaynta Harimacadka oo ku taalla dhnaca koonfureed magaaladda Hargaysa si wada jira gacanta ugu haya wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland iyo haayada Cheetah Conservation Fund (CCF).

Wasiirka iyo masuuliyiinta kale ee wasaarada, xubnaha ka socday CCF, iyo baarlamaanka Maraykanka ka socday ayaa kormeer indho indhayn ah ku soo mareen qaybaha kala duwan ee ay xaruntaasi ka kooban tahay, taasoo lagu xanaaneeyo Harimacad fara badan.

Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, wasiirka degaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay inay weftigan ku soo dhaweeyaan dalka Somaliland gaar ahaana xarunta xanaanaynta Harimacadka.

Wasiir Shukri Baandare, waxay tilmaantay in ay mar kastaba diyaar u yihiin soo na dhawaynayaan cidkasta oo Somaliland xidhiidh la samaynaysa.

Geesta kale weftigan ka socday Maraykan ayaa sheegay sida ay ugu faraxsan yihiin in ay yimaadaan Somaliland, isla markaana kala shaqayn doonaan arrimaha daryeelka iyo ilaalinta deegaanka, duur joogta iyo mashaariic kale oo kala duwan.

Mashaariicdaasi iyo hawlahaasi kalena ay diyaar u yihiin in ay kala shaqayn doonaan dawladda Somaliland gaar ahaana ilaalinta iyo daryeelka duur joogta.

Weftigani ayaa ka socday dawlada Maraykanka gaar ahaana xubno ka mida gudidda Arrimaha Dibada Baarlamanka Maraykanka.

Waxaana xubnaha weftigaasi ka mid ahaa, Elizabeth Lewis (Sen. Risch), Donna Charles (House Foreign Affairs Committee), Piero Tozzi (Rep. Chris Smith), Cole Rojewski (Rep. Kay Granger), Scott Graber (Sen. Lindsay Graham), iyo Chris del Beccara (Rep. Michael McCaul, Ranking Member House Foreign.

Dhinaca kale weftigani oo maalmo ku sugnaan doona Somaliland ayaa la filayaa in ay sidoo kale ka qayb geli doonaan dhagax dhiga xarunta xanaanaynta duur joogta ee Geed-deeble.

Taasoo la qorsheeyay in todobaadkan la dhagax dhigi doono, xaruntaasi oo la qorsheeyay in lagu xanaaneeyo Harimacadka.

 

Leave a Reply