Saamaynta Xoogga Iyo Awoodda Xukuumadaha!

0
707

Casryadii dhexe waxa xoog iyo miisaan ku lahayd Caalamka dawladii Cusmaaniyiinta ee  Khilaafadii Islaamiga ahayd ee Turkiga ka dhisnayd. Waxaana lagu xusuustaa in Doonayaheedu marka ay ku soo xidhaan dekedaha Yurub, kiniisadahu ay joojin jireen dhawaaqa jalaskooda iyagoo ka baqan jiray in muslimiintu dhibsadaan ka dibna ay bilaabaan inay furtaan magaalada oo duulaan ku soo qaadaan.

 

Wakhtiyadaasi nin baadari Talyaani ah oo khudbad jeedinyay ayaa yidhi: “ Waxaan ka xumahay in aan arko dhalinyaradii Kiristaanka ahayd oo ku dayaynaysa Muslimiinta Carbeed xagga dhar xidhashada iyo dhincayda nolosha iyo fikradaha ilaa ay gaadheen inay ku faanaan inay Carabida yaqaanaan. Sidaasi ayay mar dunidu ahayd mid hogaankeeda Muslimiintu u haysay.

 

Leave a Reply