Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo raali-gelin bixiyey

0
481

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada JSL Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa ka hadlay Dhacdadii Dorraad khal-khalka gelisay ammaanka Golaha, taas oo ka dhalatay gacan-ka-hadal dhexmaray qaar ka mid ah mudaneyaasha.

Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif waxa uu sheegay in dhacdadaasi ka mid ahayd dhacdooyinka dabeecadaha Goleyaasha Sharci-dejinta iyo murannada sharci ee mudaneyaasha dhex-mara.

Balse waxa uu nasiib-darro ku tilmaamay rasaastii Golaha ka dhacday oo ka dhashay Muran iyo hujuun dhexmaray Xildhibaannada qaarkood iyo Ciidanka Booliska.

Md Cabdirisaaq Khaliif oo warbaahinta kula hadlayey xarunta Golaha, waxa uu sheegay inaanu khilaafka xildhibaannadu ku salaysnayn aragti xisbi balse ay isku khilaafseen aragti sharci oo lagu kala duwan yahay.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Leave a Reply